|

Waxgardka beesha Gabooye oo ka hadlay hadal ay sheegeen in uu ka soo yeedhay Xubno ka tirsan Xisbiga Ucid

Hargeysa Jan 12,2014(SDN)-Waxa maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Xaraf ee magaaladda Hargaysa, Salaadiinta,Cuqaasha iyo wax garadka Beesha Gabooye,iyaga oo wax laga xumaado ku tilaamay hadal ay sheegeen in uu ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid, oo ahaa in ay Dawladdu Dagaal midgood kula jirto Xisbigooda.

Arintan ayaa waxa ay ka danbeysay ka dib markii ay  iska soo daba dhacayeen todobaadyadii ugu danbeeyay wararka sheegaya is casilaadda masuuliyiinta Xisbiga Ucid qaarkood.taasoo ay xubno  ka tirsan Hogaanka Xisbiga oo warbaahinta la hadlay ay ku eedeeyeen in ay dabada  ka riixayso Xukuumaddu.

Wax garadkan ka tirsan Beelaha la hayb sooco ayaa u soo jeediyay Axsaabta in ay ka fogaadaan wax kasta oo wada noolaansha Bulashadda kala gaynaya.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Madaxa Difaacayaasha xuquul isaaanka Mudane, Saleebaan Xuquuq,oo sheegay in hab-hadalka noocaas   ah  ee muujinaya takoorka hore looga mamnuucay warbaahinta caalamaka iyo goobaha dadka laga wacyigaliyo.

 

Maxamed Xasan Daacad

Hargaysa

Comments are closed