|

Waxgaradka Shabeelada Hoose oo Haya Tubtii ay Punt land ku Qaadacday Nidaamka Dawlada Federaalka ah

Muqdisho 18.Aug 2013 (SDN)- Kulan ay magaalada Muqdisho isugu tageen qaar ka mida siyaasiyiinta, odayaasha iyo haweenka gobolka Shabeelada Hoose ayaa looga hadlay xaalada gobolka oo bilihii la soo dhaafay ka dhaceen dagaalo lagu eedeeyay DF Somalia inay ka danbaysay.

Dadkii ka hadlay madasha ayaa si wayn u soo dhoweeyay nidaamka Federaalka ee Somalidu ku heshiisay islamarkaasina ka dhawaajiyay baahida ay u qabaan inay dhismaan maamul u gaar ah oo ku yimaada rabitaanka dadka degan gobolkaasi.

‘’Dastuurka ayay ku qorantahay, mana baal marayno dowladnimo iyo nabad ayaanu doonaynaa inaan ka tashano, ninkii wax ka duwan dastuurka wata hala laabto damaciisa’’ ayuu yiri mid kamida odayaasha dhaqanka ee shirka ka hadlay.

Waxay waxgaradku fariin u direen madaxweyne Xasan Shiikh oo ay ku sheegeen inaysan suurobin Karin in inta laga talaabsado dadkii u dhashay gobolka loo soo magacaabo rag ka tirsan beesha Galguduud.

‘’Gobolka Shabeelada Hoose waxa uu ka mid yahay kuwa dalka ma yeelayno in jaamacado nalooga soo baxo wiilashayadii oo jooga, dhalinyaro aqoon leh ayaanu haysanaa mana ciishoon doonaan, Xasan Shiikh waxaanu leenahay ma yeelayno in nin Galguduud ka yimid uu noo soo magacaabo’’ Ayuu yiri Cismaan Aadan oo ka mida waxgaradka Beesha Biyamaal ee u degta Gobolka.

Dhowaan Muqdisho waxa lagu gaaray heshiis lagu dhex-dhexaadinayo beelaha Biyomaal iyo Habar-gidir.

Taariikh ahaan boqolaal sanno ka hor ayaa beeshani deegaan ahaan u dhalatay gobolka, waxase jirtay in tan iyo burburkii ay beesha Galguduud ay soo degtay.

DF Somalia ayaa qayb ka ah qorshaha lagu leexinayo talada gobolka cid gaar ah, iyadoo uu dagaal dhacay horaantii sanadkan oo ku aadan magacaabista nin ay isku haybyihiin wasiirka arrimaha gudaha oo labaduba Galguduud u dhashay.

Puntland ayaa horey ugu eedaysay DF Somalia inaysan dhab ka ahayn fulinta qodobadda dastuurka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed