Waxgaradka Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer Oo Hanjabaad U Diray Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco
Burco:14-Nov-2013 (SDN)- Cuqaal iyo waxgarad reer Burco ah ayaa ku han jabay inay tallaabo ka qaadi doonaan mareeyaha wakaalada Biyaha kadib bay yidhaahdeen markii uu shaqaale wakaalada biyaha, iyagoo ku Eedaynaya inuu shaqaale wakaaladda ka tirsanaa si sharcidarro ah u caydhiyey.
Cuqaashan iyo waxgaradkan ayaa sheegay inuu maareeyuhu ka amar qaadan waayay dawladii ka saraysay oo soo amartay in shaqaalahan shaqadoodii lagu celiyo,kuwa beeshinka ama hawlgabka ahna xuquuqdoodii la siiyo, iyagoo dawlada ku eedeeyeen inay iyadu qaska iyo dhibaatada wado,halka ay qaar cuqaashan ka mid ahina dawlada ku tilmaameen inaanay wax ay ogtahay jirin isla markaana ay masuuliyadeeda ku ogaato uun marka ay saxaafada odayaal iyo wax garad ka hadlaan.
odayaashan oo shir jaraa’d ku qabtay magaalada Burco ayaa waxaa ugu horayn shirkaas jaraa’id ka hadlay Caaqil Axmed Xasan jaamac waxaan a uu yidhi ‘”sababta aanu intayadan oo dhami isugu nimi waa shaqaalahan wakaalada ee layska eryay ee meel lagu tiiriyay aanay jirin,anagu wasaarada, wasiirka, agaasimaha iyo maareeyaha,waxaanu leenahay Somaliland shaqo kordhin bay u baahnayde shaqo dhimis uma baahna,muddo fara badan baanay arintani socotay oo wax laga qaban waayay,fariinta ugu danbaysa waxaanu u diraynaa Madaxwaynaha,anagu cuqaashii iyo culumadii baanu nahay,anagoo nabadgelyada dalka ilaalinayna oo dhalinayarada ku amarnay in wax shoobare ahi dhicin,hadana hadii ay xumaantu xagii dawlada ka soconayso anagu waxba ma qabankaro,
mashaakil kasta oo gobolkan ka dhaca,markuu dhaco ayaa lasoo yaacaa oo hanti lagu bixiyaa oo la yidhaahdaa halkaas baa wax ka dhaceen,waxaa loo baahanyahay in ka hortag lagu sameeyo,”
Oday C/laahi Maax ayaa isna waxa hadladiisii ka mid ahaa ‘”dadka shaqaalaha ahi way simanyihiin,21-kaa shaqaalaha ahi markii ay ashkatoodeen waxaa wasaaradii tidhi halagu celiyo,amarkii dawlada ayuu diiday sharcigu kuwaas ha edbiyo oo ha qabsado oo maxkamad hala taago,qolo iyo qabyaalad toona maaha waxaa aanu ku hadlaynaa ee wax halaga qabto cidaa sharciga diiday.”
Hadalkan ka soo yeedhay waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa ka dambeeyey markii uu maareeyaha wakaalladda Biyaha ee magaalada Burco uu shaqada ka fatashay shaqaale ko u dhaafaya labaatan oo uu sheegay inay qaarkood shaqo-gab yihiin, halka kuwa kalena aan loo haynin wax shaqo ah oo ay qabtaan.
S.D.N