|

Waxgaradka degmooyinka Maxamuud Heybe iyo Axmed Dhagax oo taageero u muujiyay xukuumada Somaliland

Hargeysa Mar 17,2012(SDN)-Dadweyne isugu jira cuqaal, waxgarad iyo aqoon yahan ayaa maanta Hoteelka Dalxiis ku qabtay kulan ay ku taageerayaan go’aanka madaxweynaha uu ku qaatay ee isbadalka dhawaan uu ku sameeyey xukuumaddiisa.

Waxaanay xubnahaasi sheegeen in ay dhaliilayaan cid kasta oo si kale u aragtay go’aamadii lagu xidh xidhay masuuliyiinta lagu eedeeyey musuq maasuqa, iyagoo tilmaamay in dalku uu leeyahay sharci.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadashay marwo Saynab Xaaji Maxamed “Saynab gaas” oo ku hadlaysa magaca taageerayaasha xisbiga kulmiye ee demada maxamuud haybe waxaanay gaashaanka ku dhufatay in si khaldan looga hadlayo amuurta xaxdhiga masuulyiintaasi, arrintaasina ay tahay mid nusqaan ku ah sumcadda qaranka , waxaana intaa ku dartay in loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo.

Marwo saynab gaas mar ay ka hadashay horumarka siyaasadeed ee dalka, waxay tilmaantay in maanta dalku uu marayo heer fiican oo dimoqraadiya, muhiimna ay tahay in gacmaha lays qabsado, waxaanay intaa ku dartay in xiligan dalka ka jiraan baro kac gudaha ah iyo abaaro, isla markaana tilmaantay in waaxda maxamuud haybe ay ku sugan yihiin dad tiro badan oo ka yimi koonfurta Somalia, kuwaasi oo u baahan in wax loo qabto.

Waxa isna halkaasi ka hadlay sheikh c/raadi cabdi nuur oo ku hadlayey magaca barakacayaasha koonfurta Somalia ee ku sugan magaalada hargeisa ee waaxda maxamuud haybe ayaa sheegay in nabadda Somaliland ka jirta ay tahay midda ay magacanta u yihiin.Waxaanu intaasi ku daray in tiro shan kun oo qof ah ay ka sugayaan taageero dawladda Somaliland ee la doortay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay mustafe axmed caalin iyo raxma maydal muuse ayaa sheegay in xaafadda axmed dhagax iyo maxamuud haybe ay taageero xoogan la garab taagan yihiin siyaasadda xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne axmed siilaanyo, isla markaana haddii ay tagasho jirto aan laga hor iman shuruucda dalka u dagsan loona tago hay’adaha ku shaqada le.

Gudida labada xaafadood ee kulankaasi kasoo qeybgalay waxay ugu baaqeen dawladda in taageero loo fidiyo dadka abaaraha iyo bara kaca ay saamyeen ee dalka ku sugan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed