|

Waxgaradka deegaankii Shaqaaqadu ka dhacday ee God Heeli oo Markii u Horaysay isa soo Horfadhiistay

Hargaysa 24.Aug 2013 (SDN)-Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee JSL Md Cali Maxamed warancadde iyo weftigii nabadeed ee heer Qaran ee uu hogaaminayey ayaa maanta oo sabti ah kulan balaadhan la yeeshay dhinacyadii ay shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka God-Heeli ee hoos yimaadda  degmada gar’adag ee Gobolka sanaag

Cali WarancadeeeWasiirka oo khadka taleefoonka noogu  waramay  ayaa sheegay in xasilooni iyo deganaansho ka jiraan deegaankii xurguftu ka dhacday weftiguna ku gudo jiraan heshiisiinta labada dhinac oo illaa hadda ogolaaday inay tan iyo intii shaqaaqadu dhacday ay markii ugu horaysay kulan isugu keeneen waxgaradkii iyo odayaashii labada ardaa, bulshada deegaankuna ay si rasmi ah isu dhex joogaan oo si guud looga wada shaqaynayo nabad ku soo dabaalidda deegaankaasi.

Md warancadde waxa uu u mahadnaqay dhamaan dadkii u soo gurmaday wax ka qabashada iyo xallinta mashaqadaasi, isagoo ku tilmaamay in rabitaanka nabadgelyadu qayb ka tahay isu tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano maashay mudada dheer.

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed