|

“Waxay u maleeyeen inaan dhintay” Qof ka Badbaaday Weerarkii Alshabaab ee Mandheera oo ka sheekeeyay Siday wax u dhaceen

Mandheera 23.Nov 2014 (SDN/QJ)- Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerar ay habeennimadii sabtidu soo galaysay Alshabaab ka geysteen dalka Kenya oo ay ku dileen 28 qof oo saarnaa bas u kala gooshayay Mombaasa iyo Nayroobi, ayaa ka warramay sida uu weerarkaasi u dhacay.

jileBaskan oo siday 60 qof waxa uu ku socday magaalada Nayroobi, waxaana weerarku ka dhacay meel 31 mayl u jirta magaalada waqooyiga ku taalla ee Mandheera oo u dhaw xuduudka Kiiniya iyo Soomaaliya. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP, kooxda weerarka geysatay ayaa markii hore u gacan-haadiyay baska si ay u joojiyaan, balse isma taagin basku. Markii dambe rasaas ayay ku fureen, wax base kama tarin inay joojiyaan baska, taasina waxay keentay inay baska ku ridaan qoryaha waawayn nooca garabka laga tuuro. Warku wuxuu intaa ku daray in basku uu waddada ka baxay, halkaasna ay maamulkiisa kula wareegeen kooxda weerarka geysatay.  Kooxdani waxay dhulka u dejiyeen dhammaan rakaabkii saarnaa baska, waxaanay u kala qaybiyeen saddex qaybood – Soomaalidii baska saarnayd, dadkii aan Soomalida ahayn ee muslimka ahayd iyo kuwo ay u fahmeen inay gaalo yihiin, iyagoo ku kala soocaya in uu qofku akhrin karayo aayado quraan ah iyo in kale.

Ninka ka badbaaday weerarkan oo magaciisa la yidhaahdo Douglas Ochwodho oo ah aaminsan diinta kiristanka, macallin na ka ah dugsi hoose/dhexe oo ku yaalla Mandheera, ayaa sheegay in markii dadka la kala saaray ay kooxda weerarka geystay gaar u saareen intii aan quraan akhriyi karin oo ay u fahmeen inay gaalo ahaayeen. “Dhammaantayo intay dhulka na jiifiyeen ayuu mid ka mid ah dadkii dilka fulinayay rasaasta ka soo bilaabay dhinaca midig, mid kalena dhinaca bidix, iyagoo mid-mid madaxa uga tooganaya dadka,” ayuu yidhi ninkani, waxaanu intaa raaciyay, “Anigu badhtanka ayaan jiifay, sidaa darteed markii aniga lay soo gaadhay ayay rasaastii joogsatay, iyagoo mid waliba u malaynayay in uu ka kale I toogtay. ”

Mr. Ochwodho wuxuu sheegay in aanu wax dhaqaaq ah samaynin, illaa ay ka tagayeen kooxda weerarka geystay, si ay u moodaan in uu dhintay. Markii ay tageen ayuu kacay oo uu jidka dib u raacay isaga oo ordaya, waxaanu halkaa ka helay gaadhi qaaday oo dib ugu celiyay Mandheera. Waxaana la dhigay cusbitalka oo lagula tacaalayo anfariir iyo naxdin uu ka qaaday wixii dhacay.

Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkan, waxaanay ku sheegeen in weerarku aargoosi u ahaa weerar ay ciidamada Kenya ku qaadeen masaajiddo dalkaas ku yaalla iyo dhibaatooyin ay sheegeen in dawladda Kenya u geysato muslimiinta dalkaa ku nool.

Toddoba iyo toban qof oo ka mid ah 28-ka qof ee lagu dilay weerarkaasi waxay ahaayeen macallimiin. Dawlado badan oo beesha caalamka ka mid ah ayaa weerarkan cambaareeyay.

 

Comments are closed