“Waxan idiin sheegayaa dagaalkii qaawanaa ee Dawladda Somaliland ku soo qaadday degmada taleex inay tahay wax aan la qaadan Karin, beesha caalamkana u sheegnay,”Madaxweyne Gaas.
Garowe:June,15,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale si cad uga Hadlay tallaabadii ay Somaliland kula wareegtay Gacan-ku-haynta Degmada Taleex ooh ore kooxda KHaatumo ugu sugnayd.
Madaxweynaha oo ka Hadlayey Magaalada Garowe oo uu shalay ka ambabaxayey ayaa xusay inuu cambaaraynayo Tallaabada Taleex Somaliland kula wareegtay, waxana uu tilmaamay inaan loo dulqaadan Karin.
Waxa uu madaxweyne Gaas arrintaas ku sheegay in tahay tallaabo qaldan oo weerar ah, waxana uu xusay inay Beesha caalamka gaadhsiiyeen ashkatadeeda,
“Waxan idiin sheegayaa dagaalkii qaawanaa ee Dawladda Somaliland ku soo qaadday degmada taleex kuna barakcisay dad si nabadgelyo ah u deggen inay tahay wax aan la qaadan Karin, beesha caalamkana u sheegnay, dawladda Puntland-na ay diyaar u tahay nay difaacdo xuduudeedda iyo Degmooyinkeeda, falkaasna waan cambaaraynaynaa sidaan hore warsaxaafadeedka ugu soo saarnay,” ayuu yidhi Mudane Gaas.
Madaxweynaha ayaa shacabkiisa ugu baaqay inay difaac ka galaan waxa uu ku sheegay weerarrada lagu Hayo Degmooyinkeeda, waxana uu yidhi,
“ dadka Puntland-na waxan u soo jeedinayaa inay dhulkooda difaacdaan, iskana kaashadaan cadowga Maalin walba ku soo duulaya.”
Madaxweyne Gaas ayaa hore uga Hadlay Arrinta Somaliland ku qabsatay Degmada Taleex oo uu war-saxaafadeed ka soo saaray ku tilmaamay in La qabsaday deegaanno ka mid ah Puntland.
SDN/QJ
Contact@qurbejoog.com