|

“Waxaanu leenahay Xukumaddu degdeg ha u horkeento Golaha wakiilada Sharciyada Komishanka Doorashooyinka” Xildhibaan Ibraahin Buubaa

Hargaysa 17.Aug 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha gudiga Joogtada  ah ee golalaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,ayaa Xukuumadda Somaliland ka dalbaday in ay si deg deg ah ugu soo gudbiso golaha wakiiladda Somaliland xeerka gudiga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi BuubaaXildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa waxaa uu tilmaamay in xeerka gudiga Dooradhooyinka Qaranku in uu yahay mid muhiimadiisa leh isal markaana u baahan in aad looga baaraan dego,waxaanu intaa ku daray in la soo qeexo shaqadooda iyo muddo xileedkooda isl a markaana la caddeeyo tirada ay noqonayaan iyadoo ay hore u jirtay soo jeedin ay sadexda Xisbi Qaran isku waafaqeen oo ahayd in tiradooda laga dhigo 9 xubnood halka ay markii hore ka ahaayeen 7 xubnood.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.

“Waxaanu leenahay  Xukumaddu degdeg ha u horkeento Golaha wakiilada  Sharciyada  Komishanka Doorashooyinka oo halaga baaraan dego qaabka ay ku imanayaan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku,Mudada ay joogi doonaan iyo xilka ay haynayaan noocuu noqonayo.Arintaasi sidii xisbiyaduba isku raaceen waxaanu u aragnaa arin aad iyo aad muhiim u ah Qarankan horumarkiisa iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadana wax weyn ka taraysa” ayuu yidhi Afhayeenka Waddani.

gaadheen asxaabta Qaranku ee ahayd in tirada xubnaha gudiga doorashooyinka Qaranka in laga dhigo 9 xubnood oo ay sadexda Xisbi qaran min sadex xubnood soo magacaabaan.

Halka ay imika tiradoodu ka tahay 7 xubnood oo ay soo kala magacaabaan Madaxweynaha oo magacaaba sadex,laba guurtidu magacawdo iyo laba ay soo kala magacaabaan labada xisbi Mucaarid.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed