|

“Waxaanu leenahay Dubai ba hadduu safiir degay maxaa duunyo loo dadaal galay” Boobe Yuusuf Ducaale DAAWO

Hargaysa 02.July 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay hanjabaadii uu xisbiyada mucaaridka u diray wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade.

Xoghaya warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo warbaahinta gudaha u waramay ayaa ka hadlay shir ay doraad madaxtooyada ku qabteen hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland kuwaasi oo dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Md Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay in eedda dib u dhaca doorashada aanay lahay komishanka doorashooyinka Somaliland ee xukuumada xisbiga kulmiye leedahay.

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu jawaab ka bixiyay hanjabaado uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Warancade ku sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan madaxda Mucaaridka ee danta qaranka ka soo hor jeesta.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed