|

“Waxaanu ka Xunahay in Hab Maamuuskii Saddexaad ee Qaranka oo ah Gudoomiye Cirro in laga aflagaadeeyo Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargaysa” Xoghayaha Guud Waddani {DHAGAYSO}

Hargaysa 16.Nov 2013 (SDN)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Maxamed C.laahi Uurcade ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo ah Hab maamuuskii Saddexaad ee Qaranka ay Warbaahinta dawladu maamusho ay aflagaado joogto ah ka faafiyaan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAXoghayaha Guud waxa uu sheegay in aanay jirin Wax Shir beeleed ah oo ay qabanayaan waxaanu difaacay Shirka ay ku baaqeen labada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Waddani waxaanu xusay in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu ka mid ahaa dadkii aaminsanaa  kana soo hor jeeday in Somaliland ay ku laabato hanaankii Shir beeleedyada ee ay ka soo Gudubtay.

Maxamed C.laahi Uurcade waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa Magaalada Hargaysa .

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Xoghayaha Guud ee Waddani
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xoghayeUurcadde(16).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed