“Waxaanu ka codsanaynaa baarlamaanka Soomaaliya in ay ku ciqaabaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo saarka Madaxweyne dadkiisii laynaya” Urur Diineedka Islaax
Muqdisho 10.June 2014 (SDN/QJ)- Urur diimeedka Al-Islaax oo awood badan ku leh dalka Soomaaliya,ayaa ka soo hor jeestay mooqashadii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tegay dalka Masar ee uu kaga qayb galay caleemo saarka Madaxwynaha dalka Masar Cabdifataax Al-Siisii o doorasho millatarigu taageerayo ku soo baxay.
Urur diimeedka Al-Islaax,ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Cabdifataax Al-Siisii in ay tahay mid wax u dhimaysa Dawladnimada Soomaaliya isla markaana colaad hor leh u hor seedaysa dadka Soomaalida ah eek u nool dalka Masar oo ay sheegeen urur Diimeedka Al –Islaax in ay ku keeni karto in shiciba Masar ay colaad u qaadaan dadka Soomaalida ah sababo la xdhiidha safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Qaahira.
Waxaanay Baarlamaanka ka dalbadeen in ay Madaxweyne Xasan ku ciqaabaan cadaawadda uu u soo kordhiyay Soomaaliya kol hadduu ka qayb galay Madaxweyne daadinaya dhiigga shicibkiisa isla markaana ku talinaya qori caaradii.
“Waxaanu ka codsanaynaa baarlamaanka Soomaaliya in ay ku ciqaabaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo saarka Madaxweyne dadkiisii laynaya oo dhiig faraha kula jira, masuul sare o u hadlay urur diimeedka Al-Islaax.” Ayuu yidhi Cali Baashe oo u hadlay urur diimeedka Al-Islaax,waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.
“Annagu dawladda kama mid nihin xidhiidh gaara oo ka dhexeeya Al-Islaax iyo Madaxweynahana ma jirto in kastoo uu Madaxwynahayagii yahay oo ay dawladdayadii tahay hadana wax talo wadaag ah oo aannu gaar u leenaha y ma jirto.”
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com