“Waxaanu haasawnay guddoomiyahayaga oo waxaan ku idhi Waar magacan Habar jeclo maxaa idiin diiday sida kuwa Kale“ Xaaji Cabdi Waraabe.
Hargaysa 04.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdiwaraabe),ayaa kelmad kaftan ah ku bilaabay hadal waano iyo dar daaran ah oo uu ka jeediyay kulan lagu daah furayay Mashaariicda Horumarineed ee sanadkan dalka laga hr galinayo oo lagu daah furay hotel Ambasator ee magaalada Hargeysa .
Kelmadda katanka ah ee Xaaji Cabdiwaraabe,ayaa markii uu carabka ku dhuftay magaca Habarjeco waxa loo wada dhegtaagay waxa ka dambeeya ee uu raacin doono iyo kaftan uu ka sheekeeyay oo dhex maray guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan,laakiin markii uu dhameeyay kaftanka,ayaa lagu soo dhaweeyay sacab aan kala go,lahayn
Xaaji Cabdikariin Xuseen oo bulshada ka wacyi galinayay dhibaatada qabyaalada ayaa hadalkiisa ku bilaabay kelmad kaftan ah oo ay hore isku waydaarsadeen Guddoomiyaha Golaha Guurida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Waxaanu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen “Waxaanu haasawnay guddoomiyahayaga oo waxaan ku idhi Waar magacan Habar jeclo maxaa idiin diiday sida kuwa kale ilayn lama soo qaado kii kale ee la gudboonaa ee magaado ahaaye,waxaanu iigu jawaabay Gudoomiyuhu, anaga kaayagu wuu hir galay oo ceeb malaha ayuu igu yidhi,waan runtiisa laakiin ninka maanta magaado bilaaba waa la garanaa inuu nin abmaday yabay.”ayuu yidhi Xaaji Cabdiariin Xuseen kaftankaasoo sababay in mar kaliya sacab is qabsado oo masuuliyiin iyo marti sharafba kelmadda Xaajiga lagu soo dhaweeyo sacab.
Hargaysa SDN/QJ