|

“Waxaanu Dib U Furaynaa Oo Dhawaan Bilaabmi Doona Wada-hadaladii Isku Kaaya Xidhayey Somaliland” Raysal-Wasaaraha Somaliya Mr Saacid

Muqdisho Jan 13,2013 (SDN) Dawladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabmayaan wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hore ugu bilaabmay Maamulkii Sheekh Shariif iyo xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa sheegay inuu dhawaan furmi doono wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, isaga oo tilmaamay in markii hore ay midnimada Somaliland iyo Somaliya ay ka timid dhanka shacabka reer Somaliland, sidaa daraadeedna ay imika uga fadhiyaan midnimadaasi mid la mid ah.

Raysal-wasaaraha Somaliya oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa yidhi “Waxaanu dib u furnay oo dhawaan bilaabmi doona wada-hadaladii nabadeed ee isku kaaya xidhayey Somaliland, waxaanan ku kalsoonahay inay meel san ku dhamaan doonto”

Raysal-wasaaraha Somaliya waxa kale oo uu sheegay  “Wax badan ayay taariikhdu u haysaa dadka reer Somaliland, midnimadu (Midnimadii hore) waxay ku timid dedaal xoogiisu ka yimid dadka Somaliyeed, gaar ahaan gobolada Somaliland”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Haddana midkaa (Midnimadii hore) iyo mid ka badan ayaan uga fadhinaa”

Raysal-wasaare Saacid, waxa uu tilmaamay inaanu rabitaankiisa Midnimada ka laalaaban ee uu ku adag yahay  “Anigu kama laalaabto midnimada, siyaasada aanu qabnaana waxay ku cadahay dhukumantigayaga iyo dastuurka, dadkuna midnimo ayay rabbaan”ayuu yidhi.

qurbojoog.com Hargaysa

Comments are closed