|

“Waxaana meesha taala in aanay jirin sabab dib loogu dhigo Doorashada”. Axmed Muumin Seed

Hargaysa 09.June 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa ka digay in Xukuumadda muddo kordhin loo sameeyo isla markaana doorashadau wakhtigeedii dib uga dhacdo.

muumin seedGuddoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed  ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan go’aamadii Khilaafka Xisbiga KULMIYE lagu dhameeyey,waxaana uu sheegay in khilaafka Xisbiga KULMIYE uu saamayn ku yeeshay nabadgalyada,dhaqaalaha iyo dhinacyo badan oo kale balse mar hadii uu dhamaaday aanu wax saamayn ah yeelan doonin.

:“Khilaafkii Xisbiga KULMIYE  ee Golaha Guurtidu ka hawl-gashay, waxa uu sameeyn ku yeeshay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Nabadgeliyadii, Dhaqaalihii iyo dhinacayo badan oo kale, laakiin haddii la dhameeyey wax sameeyn ah ku yeelan maayo Doorashada, markaas waxa aan codsanaya oo cid walba oo ay quseeyo ugu baaqay in aan la isku dayin in Doorashada dib loo dhigo”.

Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jediyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabto maadaama baa u yidhi ay wakhti kooban oo aad u yari uu ka hadsantahay,waxaana uu si aada uga digay in dib loo dhigo

“Waxaan ku baaqaya, soona jeedinaya in Doorashada oo muddo aad u yari ka hadhay, in wakhtigeedii lagu qabto, oo aan dib loo dhigin, waxaana meesha taala in aanay jirin sabab dib loogu dhigo Doorashada”.Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed