|

“Waxaan u soo halgamayay labatan sanno in cadaalad ,Aniga oo diiddan in madaxdu taliska iskaga raagto, in ka badan xilliga qanuunku u jideeyey,” Madaxweynihii Hore ee Brazil

Hargaysa 10.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Somaliland ka Taagan Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay Mudo Kordhintii ay Golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaan ilaa Iminka Fulin Heshiis Wada jir ah oo ay Khilaafkan ka gaadheen Xisbiyada Qaranku,Sidoo kale Waxaan Golaha Guurtida lagu Qancin in Xalka Siyaasadeed ee la gaadhay ay go’aankoodii ku bedelaan.

Waxaynu soo qaadan doonaa Hogaamiyeyaasha Caalamka soo maray ee Taariikhda Wanaagsan ku sagootiyay Markii ay dhamaatay Mudo Xileedkiisu.

brasil“Ninka ooyaya ee aad arkaysan waa madaxweynihii hore ee BRAZIL LUIS LULA DA SILVA Hooyadii waxay ku soo korisay guri ka koobna hal qol isaga iyo lix caruura oo ay walalo yihiin .

Wuxuu ka tagay ama ka baxay schoolka isaga oo tobban jir ah . Wuxuu ka shaqeysan jirey baalashle nimo, markii dambena wuxu noqday shaqaalaha xarunta shidaalka, makiinadaha baabuurta iyo shaqaale ka shaqeeya warshadda biraha.

Far-yaradiisa idiin muqata ee gacantiisa bidix waxay ku go’day intuu u ku jirey shaqada biraha ee adag , wuxu ahaa xubin firfircoon oo u dooda xaqa shaqalaha diidana musuqmaasuqa iyo cadalad darada madaxda dalkiisa waxanu ku mutaystay xabsi dheer arrintaas.


Markii uu talada dalkiisa qabtay wuxuu awoodiisi isugu geeyey u adeegida dadka saboolka ah ee ay u badnayd bulshada dalkiisu ,waxa uu dalkiisi Brazil geyeysiiyey mudaduu tododbada sano ahayd ee u mamulayay 2003-2010 in Brazil ay noqoto wadan dhaqale adag uguna horeya dhaqale ahaan wadamada latin america , waxa uu Brazil u soo jiiday sumcad iyo in indhaha dunidu soo eegan horumarkaas waxa uu ku guleystay in Brazil ay marti geliso laba Cup oo dunida caan ka ah kii 2014 ee dunida iyo kan 2016 olympic addunka .


Maalintii ay dhamatay muddo xileedkiisi ayaa waxa sharacyada magaloyinka dalkaas isugu soo baxay kumanan dadweyne ah kamay soo horjeedin ee waxay u mudaharadayeen dastuurka ha la furo oo mar sadexad musharax ha noo noqdo .


aamusiinDadkii ayuu u jeediyey khudbad isaga oo sii sagootinaya, wax yar ka hor inta anu ka tagin aqalka madaxtooyada dalkaasi waxanu ku yidhi “Waxaan u soo halgamayay labatan sanno in cadalad iyo sinaan la helo , waxaan galay xabsi, aniga oo diiddan in madaxdu taliska iskaga raagto, in ka badan xilliga qanuunku u jideeyey , sideen naftayda ugu ogalaanayaa in aan anigu hadda sameeyo arrinkaas”.
Wuxuu ku sii daray oo uu yidhi: “Hooyadey waxay i soo korisay aniga oo danyare ah, balse waxay i bartay sida aan u ilaashado sharaftayda in in aan jiro anigoo madaxa kor u qaadaya”.

Comments are closed