“Waxaan u Sheegayaa Bulshada Somaliland ee Gobolka Sanaag in Lacagta Qudha ee laga Ogol yahay uu yahay Shilling Somaliland” DAAWO Wasiirka Arrimaha Gudaha
Hargaysa 29.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa maanta ka jawaab celiyay Warar Sheegaya inuu Wasiirku uu iclaamiyay in Wakhti danbe loo qaban doono Sidii Lacagta Giinbaarta ah looga bedeli lahaa Gobolka Sanaag,Waxaanu Wasiirku ku dooday in lacagta keliya ee Gobolkaas ka shaqaynaysa ay tahay Shilling Somaliland .
Mudane Warancade waxa uu xusay in Gobolka Sanaag Guud ahaanba ay ka dhaqan gashay Shilling Somaliland waxaanu Wasiirku indhaha ka laliyay Cabashada bulshada ku dhaqan Gobolkaas oo dalbanaya in si rasmi ah looga bedelo Lacagta Giinbaarta ah, Maadaama Magaalada Ceerigaabo lafteeda aan dadka laga wada bedelin lacagta Giinbaarta ah ee Shilling Somaliga .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com