“Waxaan Rabaa inaan Cadeeyo wax faragalin ah oo aan kuleeyahay Arinkii ka dhacay Gabiley Ma Jiro” Wasiirka Maaliyada
Hargaysa 14.Aug 2013 (SDN) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa dhinac isaga riixay inuu qayb ka ahaa dhacdadii Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashigu Dr Maxamed C.laahi Cumar uu Weji Gabaxa kala kulmay Magaalada Gebilay Maalintii doraad oo loo diiday Hoolka Shirarka ee Dawlada Hoose ee Gebilay oo uu Shir kula lahaa Madax dhaqameed iyo Qurbejoog kale.
Wasiirka Maaliyada oo loo Sibir saarayay inuu qayb ka ahaa Xujada la Kulantay Wasiirka Ganacsiga ayaa Caawa Boga uu ku leeyahay Shabakada Face Booka waxa uu Sheegay inaanu wax fara gelin ah ku lahayn arrinta gebilay ka dhacday .
Qoraalka kooban oo Wasiirka Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa u dhignaa ” Marka Hore Waxaan aad U salaamaya dhamaan dadwaynaha sharafta leh ee reer Somaliland Gudo iyo Dibad ba .
Marka Labaad : Waxaan Rabaa inaan Cadeeyo wax faragalin ah oo aan kuleeyahay Arinkii ka dhacay Gabiley Ma Jiro. Maxamed Cabdilaahi waa walaalkay waana nin iga Mudan Ixtiraam iyo Qadarin.
Saxaafada waxaan leeyahay markasta Ixtiraam iyo xushmayn ayaan idiin hayaa,aynu ka wada shaqayno Wanaaga iyo isku soo dhawaynta Umadda
Mahadsanidin.
Hargaysa SDN.