|

“Waxaan leenahay Waa ayaan daro in Xukuumadu u fahamto in Macnaha dawladnimo Tahay Cabudhin iyo Cago Juglayn ay kula kacdo Mujtamaceeda”,Afhayeenka X.Wadani {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.May (SDN) Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa Maanta Canbaareeyay Rabshadihii uu halka qof ku dhintay ka kalena ku dhaawacmay ee Ka dhacay Shalay Magaalada Burco.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargaysa ayaa Sheegay in Mudooyinkii u danbeeyay ay Wadanka ku soo noqnoqdeen Dilal baahsan,Waxaanu ku Eedeeyay Wasaarada Arrimaha Gudaha inay dadka samaynaya Cabashada ay u adeegsato rasaas,Waxaanu Mas’uuliyada Arrintan Dusha ka saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu Xusay in isaga iyo Xukuumaduba ay aaminsan yihiin in dawladnimadu macnaheedu uu yahay Wax la dilo,Wax la Xidho iyo Cabudhinta aragtida Shacabka,Isagoo Nasiib daro ku tilmaamay in Xukuumadu sifo khaldan ka fahamtay macnaha dawladnimo .

Mudane Buubaa waxa uu wax laga Xumaado ku tilmaamay in dad si nabadgalyo ah Mudaharaad cabasho ah u soo bandhigaya in loo adeegsado rasaasta nool waxaanu Tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii iyo Ehelkii uu ka baxay Marxuunkii ku Geeriyooday dhacdadaas,isagoo ka ku dhaawacmayna eebe uga rajeeyay caafimaad qab,Afhayeenka Xisbiga Wadani waxa uu ku baaqay in si dhab ah loo baadho Sababta runta ah ee dhalisay arrintan.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Wadani14may.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed