|

“Waxaan Ka Raalli-gelinayaa Ummadda Reer Somaliland Odayaasha Reer Awdal Ee Hadlay…” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Hargaysa 24.Aug 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa raalli-gelin ka bixiyey Shaki uu sheegay in laga muujiyey Shirka ay ku baaqeen Odayaasha Dhaqanka ee gobollada Awdal iyo Selel oo loo fasirtay inay ka xun yihiin soo dhawaynta loo muujiyey dadka reer Sool oo aan siyaasad ahaan si fiican uga dhex-muuqan Somaliland, waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin oo ay soo dhawaynayaan Walaalohooda soo biiray ee reer Sool.

SayliciMadaxweyne Ku-xigeen Saylici, waxa uu sheegay inuu isagoo ah hoggaamiye Ku-xigeenka guud ee Somaliland, gaar ahaan yahay Masuul ka soo jeeda reer Awdal, sidaas awgeedna uu ku faraxsan yahay inay reer Sool maanta u soo hiloobaan wax la qabsiga Somaliland, isla markaana ay immika uun Somaliland u muuqato inay dhammaystirantay.

Waxa uu Cabdiraxmaan-Saylici sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay oo aan ummadda reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inay Walaaleheennii muddada 25-ka sano ah innaga maqnaa ay maanta garteen dadkoodii iyo dalkoodii Somaliland inay wax la yeeshaan oo ay dhib iyo dheefba nala qaybsadaan oo aad la socotaan shirarkaa kala dambeeyey ee kan u dambeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markhaati ka ahaa, Guddoomiye Faysal-na la joogay.”

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Ummaddii Walaaleheen ahaa ee innaga maqnayd ay maanta u soo hiloobeen inay dalka iyo dadka nala dhistaan, iyadoo aad la socotaan maqnaashohoodu culaysku innagu lahaa Qaran ahaanteennan nabadda iyo horumarka higsanaysa culays nagu ahaa, iyagana dhibaato ku ahaa. Sool imaatinkoodu waa wax maanta ummadda reer Somaliland aad ugu faraxsan yihiin, soona dhaweeyeen.”

“Sababta oo ah waddan kastaba maalintii adduunka la abuuray illaa maanta khilaafku wuu jiraa, khilaafka iyo caafimaadka mid waliba mar buu yimaaddaa, maanta Caafimaadku wuu yimidday, khilaafkii Somaliland ee soo jiitamayna waxa Illaahay qaddaray inuu maanta innaga soo dhammaado, mar hadduu khilaaf dhammaadana horumar iyo nolol wanaagsan ayaa imanaya, cid kasta oo reer Somaliland ahna farxad bay u tahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Cabdiraxmaan-Saylici oo raalli-gelin ka bixinaya sida loo fasirtay ama wakhtiga uu ku soo beegmay hadalka Madax-dhaqameedka Awdal iyo Sool, waxa uu yidh; “Waxaan ka yara xumahay ama aan dareen la qaatay ka raalli-gelinayaa ummadda reer Somaliland Odayaasha reer Awdal ee hadlay inaan loo arkin inay ka xun yihiin Walaalohooda soo biiray ee reer Sool ee dalka iyo dadka ku soo biiray ee Qarannimada Somaliland soo dhammaystiray.”

Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo sii faahfaahinaya arrintaa waxa uu yidhi; “Waxa laga yaabaa halmaan hadal kuma jiree inay wax isku yar beegmeen, waxaan qurux badnayn oo innagu badan halkaan Xisbiyo iyo nidaam iyo intii isku afkaar ah tartankeennu ahaan lahaa, aynu u badannay Reer Heber, Reer Hebel annana waa shiraynaa, oo Faankeenniba noqday Qabyaalad buu noqday, taasna uma baahnin ee inaan horumar, nabad iyo asxaab ku tartanno ayaynu u baahannahay.”

“Anigoo maanta ah hoggaamiyihii guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna ah hoggaamiye ka soo jeeda reer Awdal aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay Qaranka soo dhamaystirmay iyo ummadda reer Sool ee maanta gartay inay dadkoodii iyo dalkoodii wax la dhistaan, aad baanan u soo dhawaynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Comments are closed