|

“Waxaan dhaleeceynayaa weerarkan fuleynimo oo ujeedkiisu uu yahay cabsi-gelinta shacabka Soomaaliyeed” Ra’isal Wasaare Saacid

Muqdisho 09.Nov 2013 (SDN)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa si kulul u cambaareeyay qarax loo adeegsaday gaari walxo qarxa lagu soo qariyay oo xalay fiidkii ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay qaraxa fuliyeen kuwo diiddan samaha iyo nabadda.

Ra'isal wasaaraha Somalia Saacid“Waxaan dhaleeceynayaa weerarkan fuleynimo oo ujeedkiisu uu yahay cabsi-gelinta shacabka Soomaaliyeed. Waxaa xaqiiqo ah in weerarradan qorsheysan ee argagixiso ay ka dambeeyaan kuwo arxan-daran oo cadow ku ah qarannimada iyo horumarka Soomaaliya” ayuu yiri raysul wasaaraha.

“Waxaan u sheegaynaa inaysan caqabad ku sii ahaan doonin ummadeenna. Alle idankiisna aan ka guuleysan doonno” ayuu intaa ku daray.

Qaraxa oo ka dhacay afaafka hore ee hoteel Maka Al-Mukarrama ayaa sababay dhimashada shan qof iyo dhaawaca 16 qof oo kale.

Ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya ayaa xiligan ku howlan sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen sida uu qaraxu u dhacay, waxaana socda su’aalo la weydiinayo nin dhalinyarro ah oo xalay lagu qabtay gudaha hotelka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed