|

“Waxaan dareen farxad leh ku soo dhawaynayaa bulshada u heelan in ay hirgaliyaan dekada Kaluumaysi ee Lughaya, xukuumaduna waxay mar walba u taagan tahay caawinta cid kasta oo cudud iyo………..” Wasiir Xirsi

Berbera:15-March-2014 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Markii ugu horaysay ka dareen celiyey Booqashada waftiga Madaxweynaha ee uu ka mid ka yahay ay ku marayaan Gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Minister-xirsiWasiir Xirsi ayaa qoraal dheer oo uu soo Dhigay Barta uu internetka ku leeyahay Face-Book-ga, waxa uu safarkaas  ay ku Tageen Gobolada Galbeedka Somaliland ku sheegay mid ka Turjumaya Horumar iyo Wanaag badan uu Dalka u kordhay.

 

Qoraalka wasiir Xirsi Boggiisa soo Bandhigay, ayaa u dhignaa Sidan.

”Safarkii Gobolada Galbeedka Somaliland, Wuxuu Fariin iyo Cashar nool ka Bixinaya Xaalada Horumar, Amaan iyo Wax wada qabsi ee ka jirta Dalkeena Somaliland.Muddo laga joogo maalmo koobaan ilaa hadda waxaan ku jirnaa safar socdaal shaqo ah oo uu hogaaminayo Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiir xirsi ayaa ka Sheekeeyey Dhacdooyinka ku duugnaa safarkaas Waftiga, waxana uu yidhi,

 

“Waa safar iskugu jira furitaanka Mashaariic horumarineed, dhagax dhiga kuwo cusub, kormeerka iyo u kuur gelida xaalada shacabka ku dhaqan dalkeena Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlayay socdaalka dheer ee weftiga madaxweynaha ee uu ka mid yahay ku marayaan dalka. Waxaa xaqiiq ah in himilada siyaasadeed ee xukuumada maanta talada dalka haysa ay salka ku hayso hiigsiga horumar baaxad leh oo qarankeenu ku talaabsado, si taas loo xaqiijiyana waxaa lagama maarmaan ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Waxaa hubaal ah in heer iyo horumar lagu gaadhi karo oo keliya marka la mideeyo awooda qofka, qoyska iyo qaranka isla markaana la soo nooleeyo dareenka ku dhisan iskaa wax -u- qabso

Waxaa wax lagu farxo ah in maanta bulshooyinka ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalku dhamaan diyaar u yihiin in ay gacmaha is qabsaadaan isla markaana ay ka go’an tahay in ay horumariyaan deegaanka ay ku dhaqan yihiin iyo guud ahaanba dalka ay ku noolyihiin.

Waxaan ku faraxsanahay in markii u horaysay jidka isku xidha Borama – Dilla uu dhamaystirmay isla markaana si fudud lagu soo gaadhi karo caasimada dalka ee Hargeysa.

Wuxuu aha jid dhib badan ku hayey dadka iyo gaadiidka dhamaan shacabka Somaliland oo jid kasta waxaa manaafacsada dadka oo dhan, waa guul iyo gallad u soo hooyatay dadkeena iyo dalkeena.

Waxaan ogsoonahay in aan leenahay xeeb dheer oo leh khayraad dihin una baahan in aan ka faaidaysano, si taas loo dhiirigeliyana, Waxaan soo marnay guud ahaan xeebaha galbeed ee dalkeena oo ay kamid yihiin Zaylac, Lughaya iyo Berbera oo aan hadda ku suganahay.

Waxaan dareen farxad leh ku soo dhawaynayaa bulshada u heelan in ay hirgaliyaan dekada Kaluumaysi ee Lughaya, xukuumaduna waxay mar walba u taagan tahay caawinta cid kasta oo cudud iyo caqli horumarineed dalka ku soo kordhinaysa.

Waxaan ku indho qabowsaday aragtida Jaziirada Sacaadadiin oo ku taalla badhtamaha xeebta Zaylac, waa goob kamida kuna wanaagsan in laga dheehdo quruxda dabiiciga ah ee Alle dalkeena ku manaystay.

Guud ahaan intii aan ku gudo jirnay safarkan shaqo, waxaad si dhab ah u dareemaysaa in dalkeena Somaliland isaga oo aan beesha caalamka ka helin deeq iyo dayn midna uu leeyahay dal nabdoon, dawladnimo dhamaystiran iyo dad dareen waddaniyad badan leh.”

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed