|

“Waxaan aragnaa in naxashyo la keenayo Kenya maalin walba, balse dowladdu weli ma sheegin tirada saxda ah” Raila Odinga oo ka dalbaday Xukuumada Kenya inay soo Bandhigto Tirada Askartooda kaga Dhimatay Somalia

Nairobi 17.July 2014 (SDN/QJ)- Hoggaamiyaha is-bahaysiga mucaaridka ah ee CORD, Raila Odinga ayaa xukuumadda Kenya ka dalbaday inay soo ban-dhigto tirada ciidamada Kiniyaanka ah ee lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011 oo ahayd markii ugu horreysay oo ay galaan Soomaaliya.

Raila OdingaKenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 4,000 oo Askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo iska-horimaadyo baddan la galay xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobollada Koonfurta Somalia oo ay ka howlgalaan ciidamadan.

“Ciidamada Kenya waxay ku dhimanayaan Soomaaliya. Waxaan aragnaa in naxashyo la keenayo Kenya maalin walba, balse dowladdu weli ma sheegin tirada saxda ah ee ciidamada Kenya kaga dhintay Soomaaliya,”Sidaa waxa yidhi Odinga oo ka hadlay magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa ka dalbaday xukuumadda inay tahay sharci inay shacabka Kenya u sheegto askarta lagaga dilay Soomaaliya, si ay uga fekeraan inay ciidamadooda sii joogaan halkaas iyo in laga soo saaro.

Madaxa is-bahaysiga CORD ayaa todobaadkii la soo dhaafay dalbaday in laga soo saaro ciidamada Kenya gudaha Somalia, taasoo ay sabab uga dhigeen inay xudun u yihiin weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale, Odinga ayaa sheegay in isaga iyo madaxda is-bahaysigooda sida; Stave Kalonzo Musyoka, Moses Wetang’ula iyo Xasan Cumar ay diyaar u yihiin in la xidho haddii ay dowladu hayso caddeymo ku saabsan weeraradii ka dhacay Lamu iyo Tana River, taasoo ay ku dhinteen 87-qof.

Dowladda Kenya weli kamay hadlin baaqa kasoo baxay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kenya ee ku aaddan in xukuumaddu ay sheegto tirada rasmiga ah ee ciidmada Kenya looga dilay Soomaaliya tan iyo markii ay howlgalladooda billabeen saddex sano ka hor.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed