“Waxaan 1 janaury ee sannadka Cusub la wereegi doonaa Xafiiska hawada Soomaaliya oo loo soo wareejin doono magalaada Muqdisho” Wasiirka Warfaafinta Somalia
Muqdisho 06.October 2013 (SDN)- Wasiirka warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane C/llahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Montreal ee dalka Canada uu uga qeyb galay shir looga hadlayay duulista hawada oo sedaxdii sanaba mar la qabto
Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan (Cadde) ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka Warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta, iyo gaadiida, mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ma,suuliyiin ka socotay wasaarada warfaafinta sida agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlawi), Ku simaha agaasimaha waaxda warbaahinta ahna Agasimaha Radio Muqdisho C/rixiin Ciise Caddow iyo ma,suliyiin kale.
Wasiirka warfaafinta ayaa mudadii uu ku sugnaa garoonka waxaa uu kormeerey howlaha ka socda garoonka diyaaradaha, waxaana intaa ka dib uu ka warbixiyay shirarkii uu kaga qeyb galay dalka Canada iyo waxyaabihii looga hadlay.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, boostada, iyo isagarsiinta, ayaa dhanka kale ka waramay qorshayaal ku aadan sidii dowladda Soomaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka shirkada qaabilsan xaga hawada ee fadhigeedu yahay magaalada Nairoobi taasi oo dhawaan u soo guuri doonto Soomaliaya.
“ Waxaan ka qeyb galay shir sedexdii sano mar la qabto oo looga hadlo arrimaha la xiriira duulista iyo hawada, oo Soomaaliya Muhiimad gaar ah u leh, waxaan la 1 janaury ee sanka Cusub aan la wereegi doonaa Xafiiska hawada Soomaaliya oo loo soo wareejin doono magalaada Muqdisho” ayuu Yiri Wasiir Ciilmooge
Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa intaasi ka dib waxaa uu soo gaaray xaruunta wasaaradda warfaafinta oo ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah ma,suuliyiinta iyo howlwadeenada wasaarada, waxaana uu xariga ka jaray TV-ga Qaranka oo xafiiskiisa howlo dayactir ah ay ka socdeen iyo ceel biyood dhawaan laga qoday gudaha wasaaradda oo uu horey u dhagax dhigay wasiirku.
Wasiirka wasaarad warfaafinta boostada, isgaarsiinta, iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horey uga qeyb galay kulamo kuwani la mid ah oo ka dhacay qaar ka mid ah dalalka caalamka.
Somalia iyo Somaliland ayaa waxaa u dhexeeyay Wada hadal iyadoo heshiiskii u danbeeyay ee Turkigu uu dhigayay in Somalia ay Qaramada Midoobay kala soo wareegto duulimaadyada hawada isla markaana la magacaabo Gudi laba Geesood ah oo loo xilsaarayo maamulida hawada Somalia sidoo kale waxaa Shirka Turkiga la iskula qaatay in Xarunta Gudidaasi ay Noqoto Magaalada Hargaysa iyadoo saamiga dhaqaalahana si siman loo wadaagayo ,Si kastaba ha ahaate arrintan ayaa Caqabad hor leh ku noqon doonta sii ambo qaadista wada hadalada labada dal ee Turkigu dhexdhexaadinayo.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com