|

“Waxaa Soomaali oo dhan farxad u ahayd markii ay walaalaheenna Waqooyi si sharafi ku dheehan tahay calanka buluugga ah u keeneen magaalada Muqdisho shan maalmood ka dib markii ay xoroobeen, taas oo muujinaysay…”Ra’iisal Wsaaraha Somaliya

cabdiMuqdisho;26,June,2014(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 26-ka June, oo ah maalintii 1960-kii calanka Soomaaliyeed laga taagay ciiddeena, u diray dhammaan ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay inuu dadkiisa la qaybsanayo farxadda maalintan oo lagu xusayo geesiyadii naftooda u huray in dalku noqdo waddan ka xoroobay gumaysigii.

Waxa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ee inay Umadda Somaliyeed ay Xoriyadu ay ku joogto Qiimo badan,waxaana uu tilmaamay in sidii loo heli lahaa Xoriyadaas lagu waayay Wiilal iyo Gabdho badan oo Nafdood hurayaal ah oo Muwaadiniin ah.“Muddo 54 sano ka hor ah ayay shacabka Soomaaliyeed la soo noqdeen sharaftoodii iyo karaamadoodi, iskana tuureen heeryadii gumaysiga. Helidda xornimada waxaa lagu bixiyey qiimo aad u sarreeya, waxaana lagu waayey wiilal iyo gabdho waddaniyiin ah oo naftooda u hibeeyey in Soomaaliya ay noqoto waddan xor ah.

“Waxaa Soomaali oo dhan farxad u ahayd markii ay walaalaheenna Waqooyi si sharafi ku dheehan tahay calanka buluugga ah u keeneen magaalada Muqdisho shan maalmood ka dib markii ay xoroobeen, taas oo muujinaysay waddaniyad iyo midnimo ay heleen shacabka Soomaaliyeed. Shaki kuma jiro in maanta uu jiro dib u dhac la soo darsay shacabka Soomaaliyeed, haddana waxaa barbar socday horumaro is badbaddalayey laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadannay.” Ayuu Cabdiwali Sheekh Axmed

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed aysan maanta kala maarmin loona baahan yahay in loo wada istaago sidii dib laysugu soo celin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maanta qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u baahan yihiin in dib looga xoreeyo cadow cusub oo u dhaqmaya sidii gumaystihii dalka soo maray, kuwaas oo raba in ay Soomaaliya ka dhigaan xarun argagixiso.

“Maanta Soomaaliya waxaa ku soo duulay cadow ay qaar ka mid ah nala wadaagaan magaca Soomaalinimo iyo kuwo shisheeye ah oo ku tala galay inay shacabka Soomaaliyeed ka hor istaagaan nooc walba oo horumar ah. Waxay dumiyeen ceelashii biyaha; waxay ka hor istaageen dadkeennii dhibaataysnaa in uu gaaro gargaarkii loogu tala galay; waxay si khasab ah uga qaadeen canshuur xad dhaaf ah oo aysan xaq ugu lahayn; waxay habeen iyo maalinba maaleegaan qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo meelaha shacabku isugu yimaadaan; waxayna si bareer ah qoorta uga jaraan kuwa ka horyimaada afkaartooda khaldan. Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Soomaaliyeed in uu u istaago sidii mar labaad Soomaaliya looga xorayn lahaa argagaxisada,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu.

Rai’isul Wasaare Cadiweli ayaa dhanka kale soo dhaweeyey in dadka ku nool deegaano ka tirsan gobolka Bay ay dadaal ugu jiraan in ay la dagaalamaan nabad diidka Al Shabaab.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed, siiba dhallinyarada, inay u istaagan sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah, looga dhigi lahaa meel ay dadkeedu ku noolaan karaan, waddamada dariska ah iyo caalamka intiisa kalena kula noolaata nabadgalyo iyo isqaddarin.

Muqisho-SDN/QJ

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed