|

‘’Waxaa qabsoomay Afarti bilood ee koobaad in uu Baarlamanku isdhiso, markaad adiga isdhistaad wax dhisi kartaa” Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia {DHAGAYSO}

Muqdisho 21.Aug 2013 (SDN)  Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay Waxqabadka Baarlamaanka mudada sanadka ah ee uu jiro ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlaanku ay waxyaabo badan u qabsoomeen sanadkii aynu ka soo gudubnay ayadoo dhanka kalena uu gudoonka Baarlamaanka rajo ka muujiyey ku guuleeysashada howlaha horyaala.

Jawaari‘’Waxaa qabsoomay Afarti bilood ee koobaad in uu Baarlamanku isdhiso, markaad adiga isdhistaad wax dhisi kartaa, waxaa noo hirgalay 15 guddi oo ah guddiyadi uu ku shaqeyn lahaa baarlamanka iyo gudiyadii joogtada ahaa oo ka kooban gudoomiyayaasha gudiyada ayaa noo dhisam waxaa inoo xigtay in dalka aan u dhisno Madaxweyneyne, hadana aan u dhisno R/wasaare iyo gole wasiirro, barnaamijkoodana la ansixiyay taas ayuu ku mashquulsanaa kalfadhigi koobaad’’ ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Halkan Guji Si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Warbixinta Gudoomiyaha Baarlamanka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Barlamankasomalia.mp3″]
Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed