|

“Waxaa Nasiib daro ah in Maamulkan iminka Jiraa uu ku Fashilmay Wada Jirkii Shacabka iyo Isu Hayntii Darafyada Somaliland” Murashaxa Madaxweyne ku Xigeenka Ucid DAAWO.

Hargaysa 31.Aug 2014 (SDN/QJ)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa  Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Ku-xigeenkiisa oo dalka ku soo labtay Cabdirashiid Xasan Mataan, waxaanay labadooduba ka hadleen arrimo la xidhiidha kala dirista Guddiga doorashooyinka iyo hirgelinta diiwaangelinta iyo doorashooyinka la filayo badhtamaha sannadka soo socda inay qabsoomaan.

Soo-dhawayntaas Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID iyo Hadallada ay Musharraxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka UCID ka jeediyeen Qolka nasashada soo dhawaynta ka dib, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon.

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa dalka dib ugu soo laabtay Isla markaana eedaymo u soo Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sifeeyay in Mudadii afarta sanno ahayd ee ay Hogaaminta Qaranka haysay inay ku Guul daraysatay Wada Jirka Shacabka iyo Isu haynta Darafyada Somaliland.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed