|

Waxaa lagu Dhawaaqay Hay’ad Cusub oo Caalami ah oo lagu Magacaabo ‘Shuraako,’ si Shaqo looga Abuuro loona Kobciyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Somaliland

COLORADO, USA – Noofambar 06, 2012 Maanta waxaa lagaga dhawaaqay hay’ad cusub gobolka Colorado, USA, si loo kordhiyo shaqo abuurista iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo Somaliland.
Barnaamijkan waxaa lagu magacaabaa Shuraako, waxay ujeedadiisu tahay inuu
shaqo ka abuuro Soomaaliya isaga oo taageeraya horumarka ganacsiga iyo ganacsatadabulshada ee gobol ka mid ah gobolada ugu taxadiga badan aduunka.
Shuraako waxaa lagu dhawaaqay iyada oo xaalada Soomaaliya ay soo hagaagayso. Markii ugu horaysay muddo 20 sannadood ah, ayaa Sebtember 2012 dadka Soomaalidu ay doorteenmadaxwaynahoodii. Marka lagu daro daganaanshaha gobolka ee soo hagaagaya, dad badani waxay aaminsan yihiin in Soomaaliya imika ay soo wajahday marxalad kala guura oo muhiim u
ah horumarkeeda iyo mustaqbalkeedaba.
Shuraako waxay ku shaqaynaysaa nidaam cusub oo sareeya kaasoo ganacsiga iyo hay’adaha kale ee jooga gudaha dalka ku xiraya maalgashatada caalamka, iyaga oo ka raba faa’iido ama aan faa’iido ka rabinba. Iyada oo wararka ugu badan ee ay ka helaan aduunku Soomaaliya ay yihiin deganaansho la’aan, saboolnimo, gaajo, budhcad badeed, iyo argagixiso – Shuraako way
ka duwan tahay.
Iyada oo ay taageerayaan shaqaale jooga gudaha Soomaaliya, Shuraako
ujeedadeedu waa inay soo bandhigto fursadaha iyo horumarka ganacsi ee Soomaaliya.
Shuraako shaqadeedu waa inay ku xirto fursadahan ganacsi maalgashatada. Agaasimaha Shuraako, Maurice Janssen, wuxuu yidhi, “Anaga oo ka duwan kuwa u arka inay Soomaaliya tahay meel bilaa rajo ah, anagu waxaan u aragnaa meel leh fursad dadkeeduna lee yahay ad-adayg iyo sabar badan. Dawrkayagu waa inaan taageerno oo aan kor u qaadno arinkaas.
Shuraako waxaa taageeraya bogg internet ka ah, waana xarun xogta ku saabsan maalgashiga Soomaaliya iyo Somaliland laga heli karo: www.shuraako.org. Boggan internet ku wuxuu soo bandhigayaa xog kala duwan iyo dukumentiyo ah maqal iyo muuqaal oo loogu talo galay maalgashatada caalamka ee raba inay maalgashadaan Soomaaliya, waxaana ka mid ah:
• Khariidada Soomaaliya, oo raad raacaysa $3 billion oo caawimo ah, oo ay soo
codsadeen 4,000 oo mashruuc, oo ka kala tirsan 187 hay’ado horumarineed oo caalami ah, laga bilaabo 2010 – 2012.
• Xog ku saabsan maalgashiga oo loogu talogalay qurbajooga Soomaalida, kuwaasoo u dira sannad walba Soomaaliya inta u dhaxaysa $1.3 – $2 billion.
• Fiidiyowyo iyo daraasado iftiiminaya sheekooyinka ganacsatada sabarka iyo go’aanka adag leh ee ku nool Soomaaliya iyo Somaliland, sida ganacsadaha warshada Coca Cola da Hargeysa oo ah maalgashigii ugu waynaa Somaliland in ka badan 20 sannadood.
• Il ama meel laga helo maqaalo lagu baarayo qaybaha kala duwan ee ganacsiga oo loogu talo galay maalgashatada, faahfaahin ku saabsan ganacsiga cusub, iyo
fursadaha iyo taxadiyada uu lee yahay maalgashiga gobolku.
Halkan ka daawo khariirada Shuraako Infographic
Bogga internet ku waa mid furan ahna gole wadashaqayneed oo caalami ah. Boggan internet ka waxaa lagu soo kordhin doonaa mustaqbalka dhow luqadaha af Soomaaliga iyo Af Carabiga oo kaabaya qaybta Af Ingiriiska.
Janssen wuxuu ku daray “Shuraako ahaan waxaanu aqoonsanahay marhadii aduunku maanta yahay mid aad iskugu xiran in lawada shaqeeyo inay aad uga xoog badan tahay in keli keli loo shaqeeyo.
Shuraako wax ma maalgeliso mana fuliso mashaariicda horumarinta dhaqaalaha.
Annaga oo u isticmaalayna bogga internetka ee Shuraako minbar ahaan, waxaanu la shaqaynaynaa dadka Soomaalida si aanu ugu xirno maalgashatada muhiimka ah ee doonaya inay maalgashadaan mustaqbalka Soomaaliya, sida qurba jooga Soomaalida iyo maalgashatada caalamkaba.”
Shaqada barnaamijka Shuraako wuxuu bilaabmay bishii Juun ee Sannadkan, waxaa ka mid ahaa safar qiimayneed oo lagu tagey Soomaaliya, shirar badan oo lala qaatay qaybaha muhiimka ee Soomaalida sida ganacsatada, dowlada, iyo hay’adaha aan dawliga ahayn.
Si loo fahmo baahiyaha muhiimka ah ee dalka.
Shuraako iyada ayaa is maal gelisa, waana barnaamij aan faa’iido laga rabin oo hoos yimaada hay’ada One Earth Future (OEF) Foundation. Hay’ada OEF waxaa ka mid ah barnaamijyadeeda Oceans Beyond Piracy, kaasoo ka shaqeeya horumarinta dadka kala duwan ee daneeya ka jawaabida budhcad badeeda.
Wixii su’aal ah, kala xiriir Anna Bowden, Agaasime ku xigeenka
Shuraako telefoonka +1303.533.1702 ama email ka abowden@shuraako.org.
Isku xirid. Maalgelin. Shaqooyin

Comments are closed