“Waxaa ka socda dalka olole lagu ciribtirayo isbaarooyinka, la dagaalanka argagixisada iyo….” Taliyaha Ciidamadda Somaliya Eeb Gobolka Shabeedda Hoose
Marka: 15,June,2014(SDN/QJ)- Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed taliskooda Guutada 12-ka April la yidhaahdo ee ka arrimisa Gobolada Shabeelooyinka Iyo banaadir ayaa ka warbixisay Halka uu marayo howlgalka Goboladaasi looga sifaynayo Ururka Al-shabaab iyo Waxyaabaha Ammaanka Wax u dhimaya sida Isbaarooyinka sharci darrada ah.
Taliyaha Qaybta Guutada 12-ka April ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Maxamed Qaafoow oo warbaahinta qaranka Soomaaliya u warramay ayaa sheegay in howlgalkaasi uu haatan meel wanaagsan marayo oo uu heer dhammaad ah kusii dhow yahay.
“Waxaa ka socda dalka olole lagu ciribtirayo isbaarooyinka, la dagaalanka argagixisada iyo cid kastoo wadda amnidarro, taasoo muddo dheer la soo waday hadana mareysa meel gebagebo ah” ayuu yidhi Gen Qaafoow.
jeneraalka ayaa intaas ku daray in ay ku guulaysteen Qaaditaanka Dhammaan Isbaarooyinkii yaallay Afarta waddo ee laga soo galo Magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay u suurtogaliyeen in ay Canshuurta ka qaadato dhammaan meelaha ay Ciidamada Xooggu gacanta ku hayaan.
Dhinaca Kale Jeneraal Qaafoow waxaa uu soo hadal qaaday sida uu yahay iyo meesha uu marayo Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ama Milatariga Soomaaliyeed iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay iska kaashanayaan.
“Waxaa Jira howlgal ka dhaxeeya ciidamada qalabka sida iyo AMISOM kaasoo uu noo furay madaxweynaha J.F.S. mudane Xasan Sheekh, kaasoo wax badan ka bedelay wadashaqeynta iyo xidhiidhka ka dhaxeeya noocyada ciidamada qalabka sida iyo walaalohooda AMISOM, howlgalkuna waa joogto habeen iyo maalin, ujeedaduna waaa in dalka oo dhan an gacanta ku dhigno mana muuqato awood badan oo na celineysa” Sidaasi waxaa yidhi Gen Qaafoow.
Hadalka Taliska Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkii ugu dhambeeyay Qaybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ay isku dagaalayeen Labo Beelood, islamarkaasina beel ka mid ah kuwa Dagaallamaya ay la safteen Ciidamada Milatarigu.
SDN/QJ-Marka