“Waxaa Jira Qaar Milgaha Iyo Sharafta Warbaahintu Ka Qaloocatay, Ama Hub Siyaasadeed Ka Dhigtay Faafinta Beenta…..” Maxamed Nuur Caraale Duur
Hargaysa 07. March 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu iska casilayo xisbiga Waddani.Isla markaana wuxuu sheegay in warbaahinta qaarkood milgaha iyo sharaftu ka qaloocatay.
Maxamed Nuur Carraale Duur , wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa face Book-ga waxana uu u dhignaa sidan.
“Waxaa batay baraha bulshadu ku gudbiso wararka , lama wada ceebayn karo lama wada cambaarayn karo. Waayo in ka mid ah ayaa si togan loogu qoraa wax la hubiyay oo sax ah.
Sidoo kale waxaa jira qaar milgaha iyo sharafta warbaahintu ka qaloocatay , ama hub siyaasadeed ka dhigtay faafinta beenta oo qora war aan jirin . Waxaan aad ula yaabay in aan ku arko been faafiyaasha qaar ka mid in aan iska casilay xisbiga wadani , inkastoo aanan xil ka hayn waxaan ahay xubin ka mid ah, weli waan ahay inshaalaah ahaan doona” ayuu yidhi Duur.
Hadalka Duur ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii Axda uu xisbigaasi iska casilay xoghiyihii warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale.