Waxaa Geed dheer iyo Geed Gaabanba loo fuulay oo foox badan iyo Faal lala hoos fadhiyaa sidii loo xaraashi lahaa ee Dilaal looga qaadan lahaa Dekeda Berbera
Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay hogaanka wadanka haleeshay waxaa dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka taas oo markiiba ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baananka iyo Dekeda Berbera ay ku xaraysay Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeqbixiya yaashu Somaliland ugu deeqaan. Taasina waxay sababtey in maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad iyo shirkado ku taajirey naasnuujinta Xukuumada mudo kooban . Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku shaqeysta kuna ugaadhsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey. shaqsiyaad ku xafladeeya oo ciduu doono ku casuuma hantidii koobneyd ee qaranku lahaa, Waxaana ay arintani keentey in meesha ay ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka, mansabka ,ilaha dhaqaalaha iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Taas oo iyana meesha ka saartey in la is aamino ilaa Xukuumad,mucaarid iyo muxaafidba. Bal ufiirsada Muwaadinow Qandaraasyadan hoose sifihii lagu bixiyey iyo cidii lagu naaxiyey ee lagu naasnuugiyey oo iska cadaan ah.
1- Qandaraaska Tababarista ciidanka Ilaalinta Shirkadaha shidaalka oo si xaqdaro ah loo siiyey shirkad xabkeysan.
2- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsadey oo gacan wadaag iska ahaa.
3- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 10 million ahaa oo shaqsi gaar ah lagu abaal mariyey oo shirkad loogu sameeyey.
4- Qandaraasyada Diiwaan gelinta muwaadiniinta
5- Qandaraaska Qalabka dib udhiska Wadooyinka
6- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka
7- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport
8- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera
9- Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera
10-Qandaraaska Gaadiidka Madaxtooyada
11- Qandaraaska baahida Shirkadaha Shidaalka baadha
12- Qandaraaska Gaadiidka shirkadaha Shidaalka
13- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari
14- Qandaraaska soo iibinta Gaadiidka Hayadaha Dawlada
15- Qandaraaska Komishan qaranka iyo kiraynta Gaadiidkooda.
16- Qandaraasyada iyo qalabka dhismaha wadada Ceerigaabo
17- Qandaraasyada wadada Bariga Berbera
18- Qandaraasyada dayactirka Airporada Somaliland sida Berbera
19- Qandaraaska cusub ee Ilaalinta Tayada Baabuurta ( Oo dhac iyo Boob qaawan ah )
Waxaa arin laga yaq-yaqsiyooda ah in 19-kan qandaraas ee sare lagu naasnuujiyey si dhinac ka raran oo duudsi ah oo baalmarsan nidaamka qandaraasyada ee qaranka u yaala, shaqsiyaad Xil-madhaad ah, Xigto maal ah, dufan jecel ah , Dibno leef ah oo hada ku gaafanoobey libqinta iyo laba liska dha-dhanka iyo dheefta ilihii dhaqaalaha ee wadanka .Waxaa aqoon yahanka iyo fogaan araga reer Somaliland ay isku wada raaceen in aan Qandaraasyadan dhinaca ka raran badankooda aan Gananacsatada Somaliland loo soo bandhigin si loogu tar tamo tartan furan oo maxali ah oo xalaal ah laakiin lagu bixiyey sife xaafadeysan, oo gacan wadaag iyo qusum iyo qoon ah. Taas oo shacabka reer Somaliland ucadeysey in aan maanta loo sineyn Yuhuunta iyo wada lahaanshihii dawladnimo, maadaama ay ummadii ucaatey in manfacii, magantii, mooradii, muquunadii iyo dhamaan ilihii dhaqaalaha ee wadanka ay maalaan oo loo xidhay shaqsiyaad gaar ah oo aan la mahadin. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa maanta iyo marwalba in Qandaraasyada loo maro nidaam tar-tan qandaraas oo xalaal ah oo furan oo maxali ah kaas oo ku saleysan xalibnaan iyo Xisaabtan dawladeed.
Waxaa Intaaba ka sii daran waxaa maanta Foox badan loo shidayaa oo Faal badan loo rog-rogayaa Sidii Loo iibin lahaa ama loo kireyn lahaa ee Dilaalis buuran looga qaadan lahaa Dekeda Berbera oo ah Assad qaran iyo ishii dhaqaalaha ee wadanku Masruufanaayey iyada oo aaney jirin maanta baahiyo lagama maarmaan ah oo dhaqaale oo cusub oo wadanka haleelay. Waxay arintan Dekedu ka markhaati kacaysaa in xukuumadani fashilantay oo ka rajo dhigtay Doorashooyinka soo socda taas oo hada u ban baxday Boob Qaawan iyo Hanti urursi..Nasiib daro waxaa maanta Shacabkii reer Somaliland haleelay Deglay, Danley, Dilaaliin iyo Dabatooyin Shuraako ah oo Dabino qoofalan Daadsaday Albaab kasta oo dhaqaale. Waana iyaga iyo Allahood !!!.
Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso
Allow Sahal Amuuraha Aakhiro samaan Oman baa yimiye.!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
Intensive ED BD PA
United Kingdom