“Waxaa dhawaan dhaqdhaqaaqyo laga bilaabi doona Gobolada Somalia si loo gaaro deegaano cusub oo ay kooxaha nabada diidan ku sugan yihiin” Afhayeenka AMISOM
Muqdisho 28.Dec 2013 (SDN)- Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in tiro ahaan la kordhin doono ciidamada AMISOM ayna dhawaan howlgalo ciidan ka bilaabi doonaan Gobolada Somalia.
Col. Xumud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in deegaano dhowr ah ay u qorsheysan tahay inay kala wareegaan Al-shabaab, inkastoo uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto.
“Waxaa dhawaan dhaqdhaqaaqyo laga bilaabi doona Gobolada Somalia si loo gaaro deegaano cusub oo ay kooxaha nabada diidan ku sugan yihiin, taasna waxay ku xiran tahay hadba sida ay shacabku noola shaqeeyaan” ayuu yiri Afhayeenka AMSIOM.
Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay aad u dhaliileen howlgal la’aanta AMISOM, taasna ay uga jawaabi doonaan inay dib u bilaabaan howlgaladii ay kaga horjeedeen Al-shabaab.
“Shacabka Soomaaliyeed way masuugeen howlgalada AMISOM oo dib u dhac uu ku yimid, balse hada ay arki doonaan isbedel iyo dhaqdhaqaaqyo gudaha dalka ka bilowda.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa sheegay saakay in ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalkiisa uu geyn doono Baladweyne si ay u xoojiyaan howlaha ay ka hayaan Gobolka Hiiraan.
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan doonayn nabad iyo dowladnimo ka dhalata Somalia, balse ujeedkooda uu yahay in howlaha socda ay is-hortaag ku sameeyaan, laakiinse laga adkaan doono xili dhow oo la cirib-tiri doono.
Col. Xumad ayaa isaguna dhankiisa adkeeyay hadalka Madaxweynaha dalka Jabuuti, isagoo sheegay in hal guuto oo ciidamo ah ay dalka Jabuuti goor dhow ka iman doonaan si ay u xoojiyaan howlgalka Gobolka Hiiraan ka socda.
“Hadii Madaxweynaha Jabuuti uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ay dhawaan qaban doonaan Degmada Buulo-burde oo ay ka taliso Al-shabaab ay taasi dhacayso ayna degmadaas ka mid tahay goobaha ay ku socdaan” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.
Gaba-gabadii hadalkiisa ayuu Afhayeenka Guud ee AMISOM sheegay inay ka shaqeynayeen maalmihii dhawaa Amniga Degmada Baydhabo halkaasoo uu sheegay inuu ka socdo shir lagu dhisayo maamul ay DF ka warhayso.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com