“Waxa uu Goluhu Magacaabay Gudi Gaar ah oo ka soo Talo bixisa Xeer hoosaadka Golaha iyo Wax kasta oo Khuseeya Gole Weynaha” Gudoomiye Cirro
Hargaysa 04.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta golaha wakiilada kaga dhawaaqay guddi loo saaray hir gelinta qorshe hawleedkii golaha wakiilada ee aydhawaan ansixiyeen xildhibaanadagolahaasi. hawleedkii golaha wakiilada ee aydhawaan ansixiyeen xildhibaanadagolahaasi.
Waxaa kaloo uu ka hadlay guddoomiye Cirro Xubnaha Wasiirada ee ay u yeedheen lana filayo inay goaha hor yimaadaan maalmaha soo socda “waxa uu goluhu ansixiyey qorshe hawleedkagolaha ee 2013-2015, qorshe hawleedkana waxa ku jiray inuu goluhu magacaabo guddi gaar ah kuwaasoo ka soo tallo bixin doona xeer hoosaadka golaha iyo dhamaan hawlaha kale ee khuseeya golewaynaha, xubnahaasina waxay noqon doonaan dhamaan gudoomiyayahaasha guddi ihoosaadyada golaha iyo sadex xubnood oo kale kuwaasoo kala ah xildhibaan Baar Siciid, xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac iyo xildhibaan Xamse Maxamed Gaada Wayne, waxaanan siinayaa mudo laba wiig ah inay ku soo dhameeyaan hawshaas dabadeedna ay ku soo celiyaan shir gudoonka,arimaha la xidhiidha xeer hoosaadkana waxa lagala tashan doonaa guddida joogtada ah ee golaha.”
Guddoomiyaha golaha wakiilada oo hadalkiisa siiwata ayaa soo bandhigay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo hor imandoona fadhiyada soo socda ee golaha wakiilada, waxaanu sheegay in wax lagawaydiin doono arimo la xidhiidha miisaaniyada qaranka ee ay goluhu ansixiyeen waxaanu yidhi.
“waxa kale oo ajandaheenu dhigayey in maalmaha shaqo ee soo socdauu ka koobnaan doonaa, inaga oo raacayna go,aankii ansixinta miisaaniyada qaranka in loo yeedhayo wasiirada si ay golaha uga war bixiyaan arimaha miisaaniyada ee la xidhiidha, waxa golaha hor iman doona wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka si uu uga war bixiyo kaalmadda caalamiga ah ee ku jirtay miisaaniyada qaranka, waxa kale oo ku xigi doona wasiirka wasaarada maaliyada oo isaguna ka war bixin doona arimaha la xidhiidha miisaaniyada gaar ahaan khasnada dawlada,waxa kale oo golaha hor iman doona wasiirka wasaarada macdantaiyo tamarta oo dhawr jeer oo loo yeedhay ku maqnaa hawlo qaran.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com