|

“Waxa shahaadooyinka la siiyaa kuwa dadka caaya, waxa derejada la siiyaa kuwa dalka qasa, aniguna maanta laga bilaabo waxan ka shaqaynayaa qaska iyo walaaqa” Ruun Xaddi

Hargeysa:Nov,24,2014(SDN/QJ)-Fannaanada Caanka ah ee Reer Somaliland Ruun Xaddi Sabban, ayaa ka hadashay Dhibaatada ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Hayso Fannaaniinta qaranka iyo dadka samaha jecel iyo Sida ay ugu heellan tahay inta xumaha jecel.

codkFannaanaddan oo shalay warbaahinta kula Hadashay Magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay inay khaasaare ka taagan tahay Abaal badan oo ay qaranka iyo xukuumadda Siilaanyo u gashay, isla-markaana dedaalka iyo horumarka ay qaranka la jeceshahay u noqday Hal Bacaad lagu lisay.

Ruun Xaddi waxa ay tilmaamntay inay ka daashay ka shaqaynta wannaagga, maadaama sida ay sheegtay laga hormariyey kuwa xumaha ku foogan eek a shaqanaya, waxana ay ku dhawaaqday inay Waddada dadkaasi ku marayaan raaci doonto, “23-sano ayuun  baa wixii aanu ka shaqaynaynay ee Wacyigelin ahaa  ee ahayd walaal wanaagga qaata oo ha is caayina oo aan horumarka ka shaqayna ay noqotay mid aan loo baahnayn oo qaldan, aniga iyo inta ila midka ahina maba aynaan fahmin oo waddo aan loo baahnayn ayeynu maranaynay. Waxa wax lagu helaa caydaa, waxaa wax lagu helaa qaska, waxa wax lagu helaa dilka,  waxa wax lagu helaa dhaca, aniguna maanta laga bilaabo ,waxan ka shaqaynayaa waxa dadku u badan yihiin  ee ah qaska iyo walaaqa, maanta laga bilaabana taasaan ka shaqaynayaa.” Ayey tidhi Ruun Xaddi Saban.

Fannaanaddu waxa ay xustay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aanay indhaheedu qabanin waxqabadka dadka wanaagsan, balse ay aragto oo kaliya xumaha dadka samaynayo oo ay soo dhaweysato, waxana ay xustay sida inta xumaha ka shaqaysa ay xukuumaddu usoo dhaweyso, waxana ay tidhi,

“Inta ila midka ahna waxan leeyahay walaahi waa la inaga tegay taasna waxba lagu  heli maayo, 23-sano ayaana waddadan uun la inagu dhaafayeeye dadka aan raacno. Intaas oo film iyo intaas oo Riyaawadood ayaan soo saaray, waxa shahaadooyinka la siiyaa kuwa dadka caaya, waxa derejada la siiyaa kuwa dalka qasa, waxa madax laga dhigaa kuwa wax wareeriya. Maanta laga Bilaabo ma odhanayo maayo aan dhibta iska dayno.”

Ruun Xaddi ayaa kamid ah fannaaninta sida joogtada ah Shacabka uga wacyigeliya Warbaahinta Xukuumadda, waxana ay ka cadhootay sida wararku sheegayaan kadib markii ay xukuumaddu garawshiiyo ka bixin weyday waxqabadkooda, isla-markaana ay casuumado u samaysay kooxo kale oo  aan jeclayn wanaagga qaranka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed