|

WAXA MADAXWEYNE MIISKAAGA SAARAN MOOSHIN MAR HORE KU SOO MARAY W/Q: Cabdilaahi Gadhle

  Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland magaciisuna yahay  Cabdilaahi Cismaan Cabdi  (Cabdilaahi Gadhle) waxaan maanta oo taarikhdu tahay 27/05/2012 aan doorbiday inaan dib u xasuusto dhacda dhawayd oo ku saabsanayd dhiirigelinta ganacsatada dalka maalgashata iyo sidii da, yarta wadanka shaqooyin loogu abuuri lahaa. Waxaan odhan karaa madaxweynaha  jamuuriyada Somaliland, waa shakhsi  diyaar u ah in uu taariikh lama ilabana kaga tago qaranak S/L ee uu hore naftiisa ugu huray.

Hase yeeshee nin habari dhashay hal ma seegi waaye,  waxaa jiray in tartankii doorashada madaxweynuhu ku galay ,( waxaan abuuraya shaqooyin ,waxaan la dagalamaya tahriibka ) haba ahaato awoda xumada, iyadoo aan uga markhati ahay in ay qabatay wax badan oo seegay  tii ka horaysay walina daddalkii soo muqdo, hadana ismaan lahayn barnaamijkii uu madaxweynuhu ku galay kanbaynka ayuu isaga laftiisu ka hor imanaya,tusaale ahaan.

  • Mudo yar ka dib waxaa muuqday waa’ cusub oo iskii isu maamulay keenayna barnaamij looga fadhiyey xukumada uu madaxweynaha ka yahay , madaxweyne siilaanyo oo ahaa in xukumadu shaqo abuuris ku dadasho si kasto ay u bilaabi karto, haday wadamada shiisheye la kashanayso hadii ay ganacsatada reer Somaliland la kashanayso, fulinta iyo soo jeedintaba iyada lahayd madama anu kaga ibsanay barnamijkaasi codkii maalinta gacanta noogu jiray ,hadana wali waxaan qaba waa xukumad ogol wada tashiga ,wali rajo waanu qabna in nagu filan
  • Wagaas cusub oo ka soo iftimay degaan wax yar u jira caasimada hargaysa gaar ahaan dhinaca waqooyi ee loo yaqaan Jaleelo ,wana company ga caalamiga ah eel oo yagaan

Coa cola oo u maalgaliyey muwadiiin reer Somaliland ah oo aan ku tilmaami karo mujaahid in uu yahay u halgamay in dadka iyo dalka usoo dhiciyo lacago dibada uga biixi jirtay mudna in la xuso muwadinkaasi Axmed  Osman Geele

 

Hadii uu dadaalka keenay hawl gal mudo socday waxa uu ahaa wajibku oo shacabkoo dhami egayey in xukuumadu isla barbar istaagto taagero wax kasta oo ay la qaban karto kambanigaasi madama waajibaad iyada saarna uu badh iskii u gutay,

Sida aadunyadu u xisaabtantana xukumadu aad u hirgaliso waxii wadanka ka soo baxa ilaashato kana ilaaliso hagardamada, production ka wadamada la jaarka ahi madax kaga garacayaan ,si loo helo shaqooyin ,dhaqaale ,lacag wadanka ku sooo  hadha ,cashuur koradha ,

Hadana waxaan mar labad ugu baaqaya  xukumadii aanu soo dooranay hadana diyaarka aanu u nahay in aanu isbarbar istaagno wax kastoo waajib qaran ah sidii ay u dhamaystirmi lahayeen , (mar labaad waxaa madaxweyne miiskaga saran mooshin mar hore ku sooo maray )

Shacabkuna ka sugayo dhaqan gelintiisa tas oo cid walba oo qarankan danaysa u noqonaysa dhirigalin dhankastoo laga egaba

Waa qalinkii iyo maskaxdii  Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)

ALLA MAD LEH

Comments are closed