Waxa ka muuqata maanta dawladda Xamar ka dhisan inay magacawday ugu yaraan 8 shakhsi oo ka soo jeeda Somaliland,taas oo jawaab cad u ah wadahalada socda” Gudoomiyaha Kulmiye
Hargaysa 18.Jan 2014 (SDN)-Guddoomiyaha xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ka hadlay 8 shakhsi oo ka soo jeeda Somaliland oo dawladda Muqdisho ee cusubi xilal u magacowday, taasina ay ka turjumayso inaanay Soomaaliya daacad ka ahayn wada hadalada labada dal u socda.
Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa, waxa kale oo uu kaga hadlay siyaasadda Somaliland ka leedahay wada hadalada ay la wado dawladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Muuse Biixi oo ka hadlayay shakhsiyaadka xilka loo dhiibay ee jeeda Somaliland waxa uu yidhi “Waxa ka muuqata maanta dawladda Xamar ka dhisan inay magacawday ugu yaraan 8 shakhsi oo ka soo jeeda Somaliland oo tiradii ugu badnayd ah, taas oo jawaab cad u ah wadahalada socda ma ogolin oo waxaannu doonaynaa in khasab midnimada ku haystaan, taasina suuragal maaha, caalamkana ka dhaadhicin mayaan Somaliland way nagu qaybsan tahay oo xukuumadda intaas oo qof baa ku jira.”
Gudoomiyuhu waxa uu naqdiyay barnaamijyo ka baxay idaacadaha waaweyn qaarkood oo sii daayay doodo la xidhiidha wada hadalada, waxaanu tilmaamay in barnaamijyadaas dadka lagu marin habaabinayo.
“Waxa hubaal ah shacabka Somaliland go’aanka uu goostay inuu wadar ahaan isu raacsan yahay. Waxaad xalay ka maqlayseen idaacada doodo dadka lagu marin habaabinaayo oo la leeyahay Somaliland dhibaatadii loo gaystay bay ka xanaaqday, Somaliland dhexdeeda kuma midaysna oo la iskuma raacsana, arrintaas ay sii daynaayeen idaacadaha waaweyn qaarkood, waxaan u arkaa dacaayad lagu wiiqaayo xuquuqda iyo karaamada iyo codkii Somaliland wada jirka u lahayd ee caalamka u sheegtay,”ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlayay qasdiga Somaliland ka leedahay wada hadalada ay la furtay Soomaaliya waxa uu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya dhibaatada ka dhaxaysa waad ogtihiin 23 sanno ayuu murankoodu marayaa, maantana shir baa ka socda Turkiga, waxyaabaha warbaahintu ka bixinaysana waad ogtihiin si kooban waxaan doonayaa inaan shacabka Somaliland, kuwa Soomaliya iyo caalamkaba u sheego mawqifka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa. Wadahalada Turkiga waxaynu ka doonaynaa inaynu si nabad ah u kala baxno walaaladeen Soomaaliya oo ay ictirafaan goonni-isu-taaga Somaliland, arrintaas oo muddo dheer soo jiitamaysay waxaan qabaa waa gar-darro iyo garqaadasho waa waxay ku kacayaan nimanka Xamar ka taliyaa, halkii laga rabay inay garawsadaan oo maanta xaqiiqada wajahaan.”.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com