|

Wax ka Baro Taariikhda,Nolosha Iyo Waayo aragnimada Gudoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland Drs Foosiya Maxamed Ismaaciil

Hargaysa 24.Aug 2016 (SDN/QJ):- Drs Foosiya Maxamed Ismaaciil Waa Mid ka Mid ah Haweenka Somaliland ee Aqoonta Fiican u leh Xannuunadda Hooyada iyo Dhalaanka, Dhanka Kale Waa Gudoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland Waxay door Mug leh kaga Jirtaa Isbedelka iyo Horumarka Caafimaadka Somaliland Maalinba Maalinta Xigta ku Talaabsanayo.

Drs Foosiya Maxamed Ismaaciil Waxay Markii Kowaad si Xeel dheer uga Warbixisay Sooyaalkeedii Nololeed iyo Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii ay Bulshadeeda u fidisay Iyo Weliba Qaabka ay uga faa’iidaysay aqoontii ay Mudada dheer soo baranaysay .

Drs Foosiya Maxamed Ismaaciil Waa Mid ka Mid ah Xubnaha loo Xushay inay ka mid  yihiin Haldoorka Somaliland ee Saamaynta Togan ku dhex leh Bulshadeeda Waxayna Qodobadan iyo Kuwo Kale oo ku dhereran Taariikhdeeda Nololeed iyo Dhacdooyinkii ay u soo taagnayd ay ku faahfaahisay Waraysi Dhinacyo badan leh oo ay Siisay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

Ugu Horayn Rashiid Sulub Caalin ayaa Marwo Foosiya Maxamed Waxa uu weydiiyey Halkii ay ku dhalatay iyo Xiligii ay dhalatay Drs Foosiya Maxamed Gudoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland Waxay ku Jawaabtay ‘’ Waxaan Ku dhashay Magaalada Hargaysa ee Gobolka Maroodijeex Sannadkii 1954-kii’’.

Foosiya oo la weydiiyey Halkii ay ku soo Kacaantay Yaraanteedii Waxna ku soo baratay ayaa Waxay Tidhi ‘’Rashiidoow Waxaan Odhan karaa Gobolada Somaliland oo dhan Ayaan ku soo Kacaamay Waayo Aabahay ayaa dawlada u shaqaynayay oo kolba Magaalo loo bedeli jiray,Fasalka 1aad ee Uulada waxaa la iga qoray 1962kii Magaalada Berbera oo uu aabahay ka ahaa Gudoomiye, Hadana Fasaladii 2 iyo 3 Waxaan ka galay Iskuulka Riis ee Magaalada Hargaysa Kadib Markii aabo loo soo bedelay Hargaysa, Hadana aabahay waxaa loo bedelay Magaalada Burco Waxaan halkaas ka galay Fasaladii 4aad iyo 6aad anigoo Wax ku baranayay Iskuulkii Boodhinka Hablaha ee Burco, Waxaa kale oo dhacday in Markii aan Fasalka 6aad gaadhay in Aabahay Hargaysa loo soo Bedelay Sidaas Ayaan hargaysa  uga galay fasaladii 7aad iyo 8aad anigoo wax ka baranayay Iskuulka Boodhinka Hablaha ee Hargaysa, Dugsigii Sarena isaga ayuun baan ka galay’’

hqdefault (3)Drs Foosiya waxay sheegtay in Tayada aqoontu Wakhtigii ay wax baranaysay ahayd mid heerkeedu Sareeyo waxaana hadalkeedii ka mid ahaa ‘’Horta Markii aanu Iskuulada galnay waxay ahaayeen kuwo aad u heer sareeyay waayo nidaamkii Ingiriiska ayaa wax lagu baranayay markii aan dibadaha u baxay Ayaan ogaaday in si wanaagsan wax naloo baray oo aanu Seeska ka dhisanahay,Waayo Maadooyinkoo dhan English ayaa nalagu siinayay Macalimiinta badankoodu dibaday ka yimaadeen oo waxaa wax noo dhigi Jiray Macallimiin Masaari ah,Kuwo Ruush ah iyo Kuwo Hindi ah iyo Weliba kuwo Maraykan ah,halka maadada Carabiga aanu luuqad ahaan u baranaynay Waayo Xiligaas Soomaaligu muu Qornayn’’.

Foosiya Maxamed Ismaaciil Waxaa kale oo ay iftiimisay Sababtii keentay inay soo barato Culuunta Caafimaadka waxayna Tidhi ‘’ Anigoo Hargaysa Jooga ayaa la Yidhi waxaa la doonayaa Gabadh Gobolka Hargaysa u soo barata Waxa loo yaqaan Caafimaadka Bulshada amase Public Health Iyo Umuliso, Waxaa Imtixaan nalagaga qaaday Iskuulka Neersinka waan ku guulaystay Tigidhkii ayaa la ii soo gooyay Waxaan tegnay Xamar ,Markaas anagoo 38 Gabdhood ah oo 12 Ka Mid ahi Waqooyi (Somaliland) ka Yimaadeen ayaa Xamar nalagu baray waxa loo yaqaan Caafimaadka Bulshada iyo Umuliso-nimada, Waxaan Xamar ka qaatay Shahaadada Diploma Laakiin Digri maan gaadhin, Markii Waddanka laga qaxay waxaan Tegay Dalka Canada Waxaan markaas Xidhiidho la sameeyay Qolooyinka Caafimaadka anigoo Shahaadooyinkaygii Iyo Wixii Cadaymo ah soo qaaday,Waxaase la igu Yidhi 5 Bilood ayaad u baahan tahay oo Dib u Xasuusin ah si aad u hesho Liisankii Shaqada, 5-tii bilood Ayaan ku noqday markii danbe Imtixaan ayaa la iga qaaday oo waan Baasay Liisankii Caafimaadka Canada Ayaan helay oo waan Shaqeeyay,Xarun weyn oo Caafimaad Ayaan Mudo 18 Sanno ah ka shaqaynayay,Sidaas oo ay tahay aroortiina waan shaqaynayay Galabtiina Jaamacad la yidhaa Ottawa University Ayaan Waxbarashadayda ka sii watay,Laakiin waxa Khibrada badan aan ka faa’iiday waxay ahayd 18-kaas Sanno ee dad kala wada duwan aan la shaqaynayay’’.

Drs Foosiya Maxamed Ismaaciil Waxay ka hadashay markii ay dalkeeda Somaliland dib ugu soo Noqotay ‘’ Waxaan dalka ku soo Laabtay 2004-tii, Sida ay Dagaaladii ugu Burbureen Wax kasta oo Nidaam ahaa ayuu Caafimaadkuna qaybtiisa ka helay,waxaan arkay in dhibaatooyin badani ka Jiraan dhanka caafimaadka waxaa igu dhalatay in halkii aan wax u soo bartay ee wax ka qaban lahaa inuu Caafimaadku yahay,Waxaan ogaaday in dadkii aniga oo kale ahaa ee Caafimaadka wax ka yaqaanay ay dalka ka dhoofeen ama dagaaladii saameeyeen,anagoo shan qof ah Ayaan is weydiinay sidee Ayaan dhibkan uga bixi karnaa? Waxaanu isla qaadanay in Midnimo arrintaas wax lagaga qaban karo Waxaa kale oo aanu is tusnay in hadii aanu Urur Samayno inuu noqon karo ka furaha u noqda dhibkii Jiray, Ilaahay mahadii wuxuu noo hirgalay Bishii November ee Sannadkii 2004-tii,Waxaanu soo marnay Gobolada dalka si aanu u ogaano Tirada umulisooyinka iyo wixii tababaro ah ee ay u baahan yihiin,Xogtii halkaas nooga soo baxday ayaa noqotay Shiidaalka uu ku dhaqaaqay Ururkani,Waxaanu samaynay Qorshe iyo Himilo cad,Waxaanu ku bilownay inaanu raadino kaalmo ka badan inta aanu hayno si loo kordhiyo Umulisooyinka Waayo dhimashada hooyada iyo dhalaanku aad ayay u badan tahay,150 Umuliso waddanka kumay filnayn, Nurses-ka meesha isugu yimid 200 oo Xubnood bay ahaayeen,Waxaanu samaynay 8 Manhaj oo kala duwan kuwaas oo dad badani nagala shaqeeyeen,Wasaaradda Caafimaadka wada shaqayn fiican ayaa naga dhaxaysa Sababta aanu Ururka u aasaasnay ayaaba ahayd inaanu badhi taarno oo wax la qabano’’

Gudoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland waxay ka hadashay Waxyaabaha Guusha ay ka gaadheen Urur ahaan ‘’Walaahi Far keliyi fool ma dhaqdo waxaa Guushaas igala shaqeeyay oo aan doonayaa inaan u Mahad naqo Kooxda ila shaqaysa ee gacanta iga siiyay in hawshani hirgasho,Waxaan u Mahadnaqayaa Wasaaradda Caafimaadka oo nala shaqaysa,Waxaan u Mahadnaqayaa Hay’ada hay’ada Ted la yidhaa ‘’Tropical Health and Education Trust’’   oo Saldhigeedu London yahay Hargaysana  Xarun ku leh Kuwaas oo Garab nagu siiyay inaanu Shaqaale qoran karno,inuu Xafiiskii Ururku Shaqeeyo in Gobolada aanu Xafiisyo ku Yeelano inaanu qorno dad Xirfad leh oo Bixiya waxa loo yaqaan aqoonta Socota ee Joogtada ah,Sidoo kale waxaan u Mahadcelinayaa Hay’ada UNFPA oo Xaga Umulisada nagala Shaqaysay’’

Gudoomiyaha oo la Weydiiyey Heerka Maamul Wanaag ee Ururkoodu Gaadhay iyo Talaabooyinka ay dhanka horumarka u qaaadeen waxayna Tidhi ‘’ Tababarka Iyo Kordhinta Umulisooyinka iyo Tirada Nursing waxaa noo dheeraa inaanu dejinay Siyaasad sheegaysa Badbaadada Hooyada iyo Ilmaha in lagu Tababaro Xirfad yahankan kaas oo aanu ugu talo galnay in Umulisooyinka Somaliland ka hawl galaa inay bixiyaan adeeg hufan oo amaan ah oo ay ku badbaadinayaan Hooyada iyo dhalaanka intii aanu wakhtigoodu dhamaan kaas oo saamaxaya in la helo nidaam wax la iska weydiin karo hadii loo baahdo,Kaas oo Mid kastaa Manhajkiisa wato, Waxaa kale oo aanu wax ka qabanay oo aan dalkeena ka jirin Qolka Qofka lagu qalayo qof u tababaran sidii qofkaas wax loogu qaban lahaa, Laba Kooxood ayaanu hawshaas u Tababarnay oo aanu Macallimiin dibada uga keenay markii danbe si mar walba macallin dibada looga baahan labada Kooxood min Shantii u sareeyay Ayaan Macallimiin u sii tababarnay, Waxaa Ilaahay Mahadii ah in Umulisadii ahayd 150 Qof Waxay marayaan Maanta 600 iyo dheeraad,Sidoo kale Nursing oo ahaa 200 Wuxuu Maanta marayaa ilaa 1800 iyaga qudhoodu waxay u baahan yihiin Wax Titilkooda u ilaaliya Iyagana lagu xakameeyo in qofka ay u adeegayaan aanay waxyeelo soo gaadhsiin, Wax ay u taraan mooyaane Laba Sano ayaa Ururkayaga iyo Ururka dhakhaatiirtu laba sanno ayay hawshaas ka shaqaynayeen Ilaahay Mahadii Maanta way jirtaa hay’adaas oo waa la diiwaangeliyaa dadka Mihnadan ku shaqaynaya’’

Gudoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland Waxaa Kale oo ay ka hadashay Caqabadaha Ururkooda la soo dersa Waxayna Tidhi “ Waxaa Qodobka 1aad ah Dadkayagu ma fahamsana Wuxuu Ururku yahay, Caqabada 2aad Waxay Tahay Nursing iyo Umulisooyinka Dhul ayuu Ingiriisku Siiyay 1953 Markaa Meeshii aqoontooda lagu dhisi lahaa ee Lagu Tababari lahaa Dad ayaa iska degay”

Comments are closed