|

Wasriika Difaaca Japan oo ku sii jeeda dalka Jabuuti iyo Ujeedooyinka socdaalkiisa

Jabuuti April 15,2014(SDN)-Wasiirka difaaca ee dalka Japan Itsunori Onodera ayaa qorsheynaya in uu dhawaan booqasho ku tago dalka Jamhuuriyada Jabuuti  oo ay doonaysa in dhawaan ay ciidamo nabad ilaalin u soo dirto qaarada Africa iyo Bariga Dhexe.

Dawladaha Japan iy Jabuuti ayaa hore isula qaatay heshiis Japan u fasaxaya in ay isticmaasho Gegida duyuuradaha ee Ambouli si halkaa ay u noqoto xarun laga hago hawlgalada ladagaalanka Burcad badeeda.

Raiisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa doonaya in la kordhiyo doorka Japan ay ku leedahay sugida amniga caalamka si markaana loogu dhiiri geliyo shirkadaha Japan ay uga qeybqaataan ganacsiga caalamka.

Waana sababtaa ta Japan ay haatan u yiqiinsatay in Jabuuti tahay goob ku haboon in ay xarun u noqoto hawlgalada ay ka fulineyso dunida dacaladeeda.

Japan ayaa qorsheyneysa in ay xarumaheeda Jabuuti ku hubeyso qalab isugu jira mid ciidan iyo Caafimaad oo loogu talo galay in ay isticmaalaan ciidamada dalkaas ee fariisimaha ka sameysan doona Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa haatan ah xarun ay huwanta reer Galbadkeedku ka fuliyaan hawlgalada ladagaalanka waxa ay ugu yeeraan argegixisada.

SDN/QJ-Jabuuti

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed