|

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga UK oo booqday Kiinya iyo Soomaaliya

Muqdisho March 02, 2024 (QJ) -Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga UK, James Stephen Heappey, ayaa soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo la kulmay madaxda sare iyo taliyeyaasha difaaca oo uu kala hadlay sare u qaadista iskaashiga dhanka difaaca iyo tayada ciidamada.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga UK oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in UK ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale, waxa uu booqday ciidamo British ah oo tababaro siinaya ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxaana uu kala hadlay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) horumarka howlgalka ATMIS ee ay UK taageerto ee Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa si dhow ula shaqeysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si looga hortago qataraha ka imaanaya Al-Shabaab, waxaana wasiirku uu carabka ku adkeeyay in UK ay mar walba taageerto la dagaalanka Al-Shabaab.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Kenya, Wasiirul dawlaha Difaaca UK wuxuu wadahadallo la yeeshay Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale, iyagoo diiradda saaray xoojinta iskaashiga difaaca, horumarinta nabadda gobolka, iyo hirgelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee UK iyo Kenya.

Comments are closed