|

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqasho ku jooga Sucuudiga

Jaddah May 23 2013 (SDN)– Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa booqasho ku jooga Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya , waxaana uu uga sii gudbi doonaa Caasimadda Riyadh si uu ula kulmo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sucuudiga.

Dr. Gacal , wuxuu kaga qeybgalay Magaalada Doha ee dalka Qatar isku-imaatinkii 13-aad ee Doha ( 13th Doha Forum) ,Waxaana si gaar gaar ah uu ula kulmay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Khalid Bin Mohammad Al Attiyah, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Tunis Rafiq Abdul-Salam iyo Madax kale oo ay ka wada hadleen taageerida dowladda Soomaaliya .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku nagaan doona dalka Sucuudiga muddo kooban , isagoo la kulmi diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Qunsuliyadda Guud ee Jeddah iyo Safaaradda Riyadh , waxaa kale oo uu qaabili doonaa Jaaaliyadda .

Socdaalkan ayaa waxa uu la xiriiraa Xoojinta Xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada wadan si loo abuuro iskaashi dhinacyada Siyaasadda, dhaqan, dhaqaale iyo bulsho.

SDN-Jaddah

Comments are closed