Wasiiru Dowlaha Arriamaha Dibadda oo maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhoweeyey muwaadiniin laga soo tarxiilay Kenya
Muqdisho, 09,April, 2014(SDN)-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Burci Xamza ayaa maanta ku soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cade 81 qof oo laga soo tarxiilay dalka Kenya,
Wasiirka oo war fidiyeenanada kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan ka gaabin doonin kaalinteeda ku aadan daryeelka shacabkeeda,
“Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul Wasaaraha, kan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo. Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxay ku dadaalayaan inay u fududeyso muwaadiniinteeda ku soo noqday wadanka wixii tas-hiilaad ah oo ay u baahan yihiin inta ay la midoobayaan qooysaskooda iyo qaraabadooda” ayuu yiri Wasiiru Dowlaaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xariiro joogta ah la sameeyey Madaxda Dalka Kenya si wax looga qabta dhibaatoyinka haysta Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.
“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu xiriir la sameeyey masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya si xal waara loogu helo dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool wadanka Kenya” ayuu yiri Wasiirku
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in loo xilsaaray la tacaalida xaaladaha qalafsan ee haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool xaafada Islii Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Godax Bare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi mudane Maxamed Cali Ameriko.
Ugu danbayntii Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in Dowladdu ay ugu baaqeyso hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka iyo kuwa Xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah ay siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo wadanka , iyagoo la kaashanaya hey’adaha Dowladda.
SDN-Muqdisho