|

Wasiiru-Dawlaha Nabdaynta Gobolada Bari Oo Ay Weheliyaan Xildhibaanada Goboladaasi Ugu Jira Golayaasha Dawladda Oo Soo Dhaweeyay Hawlgalada Milatariga Somaliland ee Goboladaasi Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Gulufka Ciidan Ee Socda

sanduleHargaysa: 13,June,2014(SDN/QJ)- Wasiirka Nabadaynta Gobolada Bari ee Somaliland Md. Cali Maxamuud Sandule,Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Xil.Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indh indho,ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo wada-jir ah  ku Qabtay Xafiiska Wasiiru Dawlaha ee Qasriga Madaxtooyada ayaa waxay si aad u amaaneen Talaabadii ay Ciidamadda Qaranka Somaliland ay ka Qaadeen Maleeshiyaadka Khaatumo iyo Siyaasiyiinta Dabad-wareega ah ee Xasaradda ka dhex wada dadka Walaalaha ee Jamuuriyada Somaliland.

Waxaana ay sheegeen in dadka Deegaanku ay u Hanweynihiin Ciidamadda Milatariga Somaliland,si Fiicana ay kugu soo dhaweeyeen Dhamaanba Deegaanadda ay Ciidamadu ilaa hadda Gaadheen.

Dhinaca kalena wararkii ugu danbeeyay ee ay Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com ay ka helayso Deegaanadda ay Ciidanka Milataiga Somaliland ay ilaa hadda Gaadheen ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Somaliland ay Go’doomiyeen Deegeenka Saax-dheer oo la Tuhunsanyahay inay Ku gabanayaan Cali Khaliif iyo Kooxdiisii,oo ay goor danbe oo shalay ah ay Firxadii ku galeen.

Hogaanka Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay ka go’antahay inay gacanta ku soo dhigaan Qas-wadyaasha uu Cali Khaliif horkacayo ee dhuumaalaysiga ku jira.

 

 

 

 

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidasporanews.com

Comments are closed