Wasiiro soo Indho indheeyay Qaabka loo bilaabi karo dhismaha Jid laami ah oo Xidhiidhin doona Kala baydh iyo Wajaale.
Hargaysa 3.Feb (SDN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed samaale oo uu Weheliyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi X Cali Xasan ayaa maanta booqasho ku tagay Magaaladda Gabilay si ay u bilaabaan qorshaha lagu dhisayo Jidka u dhaxeeya Kalabaydh iyo wajaale.
Jidka kalabaydh iyo Wajaale u dhaxeeya oo qiyaas ahaan dhan 19 Km ayaa ah Wado Caro tuul ah, balse waxa ay sanadkan Xukuumadda Somaliland qorshaysay inay ka dhigto Jid Laami ah.
Jidkan waxa Heshiiska lagu hirgalinayoo Qorshe Sadex Geesood ah oo u dhexeya Soamliland , Midawga Yurub Iyo Itoobiya.
Socdaalka Wasiiradda Maaliyada iyo Madaxtooyadu ay ku tageen Jidka Kala baydh ayay ugu kuur galeen qaabka ugu haboon ee Hawshiisa loo bilaabi lahaa.
Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa hawl shaqo labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxa uu Socdaal ku joogay Kastamka Kalabaydh, Waxaanu Xusay in Ujeeedada Safarkiisu uu Salka ku hayo Xog ogaal u noqoshada iyo dardargalinta hawl maalmeedka Kastamkaasi iyo sida ay u socoto Cashuur Ururintu maadaama sanad cusub la galay.
Hargaysa SDN.