Wasiiro Raashin qaybin ka Wada Deegaamada Xeebta Galbeed ee Gobolka Saaxil
Bula Xaar 16.Nov 2013 (SDN)- Wasiirada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Dibu dejinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa Kormeer isugu jira Raashin qaybin iyo qiimaynta Khasaarihii ka dhashay raxmaadkii eebbe eek a da’ay Jiidaha Gobolka Saaxil waxay Maanta ku tageen deegaamada Bulaxaar,Geeri,Gargaarka iyo Deegaano hoos yimaada.
Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inay Gurmadkan gaadhsiin doonaan dhamaanba deegaanada bariga iyo galbeedka gobolka Saaxil
Sidoo kale Wasiirka Dibu dejinta Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa dhiniciisa sheegay in raashinkan ay deegaamada u kala gaadhsiin doonaan sida uu khasaaruhu u kala badan yahay .
Geesta kale Odayaasha ku dhaqan deegaamada Bulaxaar iyo Geeri ayaa Weftiga u sheegay in roobabkii ka da’ay Jiida Deegaankaasi ay ku dhinteen ilaa 600 oo Neef iyo Guryo tiro badan oo uu dumiyay,Warku waxa uu intaas ku daray in Weftigu caawa ku u hoyan doonaan deegaanka degmada Bula xaar iyagoo uga sii Gudbi doona dhinaca Gobolka Salal.
Bula Xaar SDN.
Qurbejoog.com