Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland oo ka Soo Laabtay Goor dhawayd Nairobi
Hargaysa 28.June 2014 (SDN/QJ)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliland oo Maalmihii u danbeeyay Socdaal ugu Maqnaa Dalka Kenya ayaa galabta ku laabtay Caasimada hargaysa iyagoo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport.
Wasiirada Arrimaha Dibada,Gaashaandhiga,Cadaalada,Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Magaalada Nairobi kulan kula soo qaatay Waddamo badan oo Caalamka ka tirsan  iyagoo ka Warbixiyay Nuxurkii ka soo baxay Kulamadaas.
Weftigiii uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis ee Ayaamihii ugu dambeeyay socdaalka ku joogay dalka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka warbixiyay ,diblomaasiyiintii Midawga Yurub,Ingiriiska iyo maraykanka
Waftigan oo ka koobnaa wasiirada arimaha dibada,gaashaandhiga,duulista iyo hawada ayaa waxay shir jaraaid ku qabtee madaarka caasimada Hargaysa waxana ugu horeyn hadlay wasiirka arimaha Dibada Somaliland Md Maxamed Bixi Waxanu cadeeyay in ay beesha caalamka ka dhaadhiciyeen inay Somaliland Qaran jira tahay ,isla markaan xuduudeheeda leh,waxanu sheegay inuu la kulmay masuuliyiiinta Waddamada Maraykanka ,Ingiriiska iyo midawga yurub
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Duulista iyo Hawda Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa sheegay inay Somaliya jabiyeen Heshiiskii dhinaca hawadda ahaa ee ay Somaliland iyo Somaliya hore u wadda galeen ,waxanu ku hanjabay hadii ay Somaliya dayn Waydo Yooyootanka ay Qaramada Midoobay La hortaagan tahay Somaliland Talaabo Qaadi Doonto.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com