|

Wasiiro ka socda Xukuumada Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan

Baladweyne March 2013 (SDN)– Iyadoo Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan uu ka dilaacay cudurka daacuun calooleedka ayaa maanta waxaa gaaray Magaaladaasi wafdi wasiiro ah.

Wasiirka adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka kheyraadka dalka ayaa ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaaladaasi Beladweyne.Saraakiisha AMISOM iyo maamulka Magaalada Beladweyne ee Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Magaalada iyadoo ujeedka wafdigaan lagu sheegay ukuurgalka xaaladaha Magaalada Beladweyne oo dadka qaar cudurka daacuun calooleedka la liitaan.

Wasiiradaan ayaa la sheegay inay wadaan dawooyin loogu talo galay in lagu dabiibo dadka cudurka uusoo ritay ee ku jira xarun ciidanka AMISOM ay maamulaan oo ku taala Magaalada Beladweyne.

Saraakiisha AMISOM ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Magaalada Beladweyne uu ka dilaacay cudurka daacuun calooleedka oo dad badan uu soo ritay.

Comments are closed