Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Awdal oo ka hor miyi heshiiskii Addis Ababa
Muqdisho January 07, 2024 (QJ) -Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka soo horjeestay isfahamka dhex maray Muuse Biixi iyo Abey Axmed oo dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa bogaadin u jeediyay shacabka gobolada waqooyi gaar ahaan kuwa Awdal oo si weyn uga soo horjeestay heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo baddooda, iyagoo ku nuux nuuxsaday in aan la ogolaan karin in shisheeye uu ku faa’ideysto kheyraadka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa daba socday heshiiskii dhawaan Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku dhexmaray, kaasoo la filayo in Itoobiya ay ku hesho badda Soomaaliya, halka Somaliland ay Itoobiya ka hesho aqoonsi.