|

“Wasiirku Waxay Ahayd Hadduu Dhul Doonayo Inuu Na Weydiisto..” Xildhibaan Maxamed Cabdi

Hargaysa 11.March 2014 (SDN)- Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa,ayaa Wasiirka Hawlaha Guud u soo jeediyay hadduu dhul doonayo inuu si toos ah u  soo weydiisto isla markaana wareegtada uu shalay Wasiir Cabdirisaaq Khaliif soo saaray ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka hadlayay shir jaraa,id oo ay maanta wada jir u qabteen golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ,ayaa intaa ku daray in sharciyadda ka soo baxay golayaasha sharci dejinta ee dalka isla markaana ay dhulka maamulkiisa iyo masuuliyaiisaba siinayaan Dawladaha Hoose ee dalka.

Waxaana xildhibaan

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon Maxamed Cabdi Yoon hadalkiisii ka mid ahaa.

“ Xeer No: 17. Qodobkiisa 1.aad, farqadiisa koobaad, wuxuu dhigayaa.

.Jagooyinka dhisme ee magaalooyinka iyo degmooyinka Jamhuurriyadda Somaliland waxaa iska leh Maamulkiisa Dawladaha hoose ee dalka(Guddiga Fulinta Dawladaha Hoose).

Qodobka 9.aad,farqadiisa labaad.

Jago kasta oo leh Isticmaal rasmi ah waxaa lagu bixinayaa go,aan guddi fulineed ee dawladaha hoose, iyagoo adeegsanaya xafiiska qorshaynta dawladda hoose.

Qodobka 14.Farqadiisa 1.aad.

. Maamulka Dawladda Hoose iyagoo dhawraya sharcigan iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla wuxuu awood u leeyahay inuu siiyo dhul qof kasta oo muwaadin ah,shirkad,ururwaddani ah iyo hayadaha kale ee Dawladda.

Hadaba Wasiirku wareegtada uu soo saaray ee khilaafsan dhammaan shuruucda dalka iyo reerarka lagu dhaqayo dhulka oo dhan,waxay ahayd Wasiirka Hawlaha guud hadduu dhul doonayo inuu toos noo waydiisto ayay ahayd ee inuu digreeto indho la,aan ah iska soo qoro may ahayn.”  Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed