Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee Madaxweyne Faroole oo Noqday Gudoomiyaha Baarlamanka Punt land {SAWIRO}
Garowe 04.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa goor-dhawaeyd loo doortay Siciid Xasan Shire oo hore u ahaa wasiirka xannaanada xoolaha ee Puntland, waxaana guddoomiyaha la tartamay afar murashax oo kale.
Doorashada oo martay saddex wareeg ayaa waxaa xubnihii ku tartamay ay kala ahaayeen: guddoomiyaha la doortay, Siciid Xasan Shire,guddoomiyihii hore ee baaramaanka Puntland Cabdirshiid Maxamed Xirsi Axmed Cali Xaashi, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Maxamed Cali Guuleed.
Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa murashaxiinta tartamayay waxay coddka u kala heleen, Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Siciid Xasan Shire oo mid walba uu helay 17 cod. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo helay 16 cod, Axmed Cali Xaashi oo helay sagaal cod iyo Maxamed Cali Guuleed oo helay lix cod, waxaana xumaaday hal cod.
Qaabka Guud ee Doorashadu u dhacday Ayaa ahayd :-
Wareega sadaxaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku guulaystay Xil. Siciid Xasan Shire, codeyntiina sidaan bay u dhacday:
1. Xil. Sicid Xasan Shire 40 cod
2. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 26 cod
Xil. Siciid Xasan Shire ayaa horre u ahaa Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamad Farole, Madaxweynaha Puntland.
Wareega labaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxa loo codeeyey qaabkaan:
1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 23 cod
2. Xil. Sicid Xasan Shire 23 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) 20 cod
Wareega sadaxaad waxaa u gudbay xildhibaanada kala ah:
1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi
2. Xil. Sicid Xasan Shire
Warbixintii horre
Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe doorashada Guddoonka Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland.
Waxaa isu soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland xildhibaanada hoos ku qoran:
1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi Gobolka Mudug
2. Xil. Sicid Xasan Shire Gobolka Sanaag/Haylaan
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) Gobolka Sanaag/Haylaan
4. Xil. Maxamad Cali Guled Gobolka Sanaag/Haylaan
5. Xil. Axmed Cali Xaashi Gobolka Sanaag/Haylaan
Musharixiinta xilalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad, ayaa Baarlamaanka hortiisa ka jeediyey khudbooyin ay kaga waramayaan taariikh nooleedkooda iyo barnaamijkooda waxqabad hadii ay ku guuleystaan xilalka Guddoonka Baarlamaanka Puntland.
Dhammaan 66-xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland ayaa shirkaan xaadir ka ah, waxaan shirka maamulaya Guddiga Doorashada uu Gudoomiye ka yahay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.
Xil. Saadiq ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta wareega koowaad ee doorashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland:
1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 17 cod
2. Xil. Sicid Xasan Shire 17 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) 16 cod
4. Xil. Maxamad Cali Guled 9 cod
5. Xil. Axmed Cali Xaashi 6 cod
Hal (1) cod ayaa khasaaray, sida uu sheegay Xil. Saadiq. Sidoo kale, Xil. Saadiq ayaa sheegay in wareega 2-aad ay ku gudbi doonaan:
1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi
2. Xil. Sicid Xasan Shire
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo)
Garowe SDN.
Qurbejoog.com