|

Wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaarada Maaliyada oo maanta Muqdisho lagu Aasay (Sawirro)

Muqdisho Dec 21 2012 (SDN)– Allha unaxariistee Wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyada Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu Todobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Meydka Marxuum Cusmaan Axmed Rooble ayaa waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade halkaasi oo ku sugayeen mas’uuliyiin kala duwan iyo eheladiisa.

Marxuum Cusmaan Axmed Rooble ayaa salaadii Janaasada lagu la tukaday Masjid ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Salaada janaasada kaddib ayaa waxaa Marxuumka lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalla nawaaxi Aqalka Madaxtooyda Soomaaliya.

Cusmaan Axmed Rooble ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyada waxa uu dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London.

Halkan Ka Daawo Sawirrada Aaska Marxuum Cusmaan Axmed Rooble

Comments are closed