Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo oo Qirtay in Lacag $ 5 Milyan ah oo laga soo qaaday UAE aan La marsiin Bangiga Dhexe
Nairobi Kenya 21/07/2012(SDN)-Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo oo Qirtay in Lacag $ 5 Milyan ah oo laga soo qaaday UAE aan La marsiin Bangiga Dhexe.
Sida ku cad waraysigaan hoos ku qoran Xukuumadii Mudane: Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxey qiratay in lacag gaaraysa 10 Milyan oo doolar oo laga soo qaaday Dalka Isutaga Imaaratka Carabta in $ 5 milyan oo ka mid ah la geeyey Bangiga Dhexe halka $ 5 milyan oo kale ay aan la marsiin Bangiga Dhexe.
Somali Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed told AP in an interview in Mogadishu in April that his government received one payment of $5 million dollars from a Middle Eastern country this year that he “believed” to be the United Arab Emirates.
Ra’iisul wasaarhii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo waraysi uu siiyey Aprill 2011 wakaladda wararka ee Associated Press ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay ka heshay dowladda Isutaga Imaaratka Carabta lacag gaaryasa ilaa 5 Millyan oo dolar.
But Finance Minister Hussein Halane told AP in April 2011 that he accompanied the prime minister twice to Abu Dhabi, the capital of the United Arab Emirates, this year and had seen Mohamed personally receive $5 million in cash each time. After more than 50 phone calls and e-mails from AP over six weeks, the government produced documentation showing that only one payment of $5 million was deposited into the country’s Central Bank. The other payment remains unaccounted for.
Sidoo kale Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Farmaajo aya isna u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP inuu la socday Ra’iisul Wasaare Farmaajo markii lacagta ay ku wareejinaysay Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabtu laba jeer markiiba 5 Milyan oo Dollar lacag gaaraysa waxayna sheegtay Wakaaladda wararka ee AP in ka badan 50 jeer oo la wacay isla markaana Email loo diray saraakiil ka tirsan Dowladda mudo lix usbuuc ah waxey u xaqiijiyeenin aan lacagtaas la marsiin Bangiga Dhexe iyagoona saraakiishu dowladda u soo diray wakaaladda wararka ee AP Documentiyo cadyn ah in 5 Million oo dolar kaliya la geeyey Bangiga Dhexe lacagta inteeda kalana ay si xisaab la’aan ah ay ugu hartay gacanta Ra’iisul W. Farmaajo.
Please click this link to see the whole story.
http://www.hiiraan.com/news2/2011/may/ap_exclusive_more_than_70_million_missing_in_somalia_politicians_accept_briefcases_of_cash.aspx
Hiran20202@gmail.com
Cabdulle Xaydar